Sucuudiga oo Ciidamo u Diraya Suuriya

0
357

Afhayeenka militariga Sucuudiga, Axmed Asiri waxa uu sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu ciidamo dhulka ah geeyo Suuriya si ay ula dagaallamaan kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.
Laakiin waxa uu sheegay in arrintaasi ay sameynayaan haddii hogaamiyayaasha Isbeheysiga ay isku raacaan.
“Boqortooyada Sucuudiga waxa ay diyaar u tahay inay ciidamada lugta ay ka qeybgasho, haddii isbeheysiga la dagaallamaya kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ay isku raacaan in tallaabadaasi la qaado. Haddii hogaanka isbeheysiga uu aqbalo arrintaasi. Sucuudiga waxa uu diyaar u yahay inuu dadaalkaas ka qeybgalo.” ayuu yidhi Mr. Axmed Asiri.
Sucuudiga waxa uu tani iyo bishii September ka qeybqaadanayay duqeynta dhanka hawada ah.

Leave a Reply