Xaakim laaluush loo haysto

0
440

Gudiga adeega cadaaladda ee Kenya ayaa dembi ku helay xaakim ka tirsan kuwa maxkamada ugu sareysa dalka.
Xaakim Philip Tunoi ayaa loo haystaa inuu qaatay laaluush lacageed oo dhan laba milyan oo dollar.
Xaakimka ugu sareeya Kenya, Willy Mutunga, ayaa ku taliyay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu sameeyo maxkamad gaar ah oo baadhitaan ku sameysa xaakim Tunoi.
Xaakimiinta maxkamada ugu sareysa Kenya ayaa waxaa shaqada la eryi karaa oo keliya marka ay sidaa xukunto maxkamad gaar ah.
 

Leave a Reply