Golaha Ammaanka oo Cambaareeyay Gantaal ay Gantay Kuuriyada Waqooyi

0
340

Golaha ammaanka QM ayaa si adag u canbaareeyay Kuuriyada Waqooyi gantaalka  ay riday ee ridada dheer.
Goluhu waxa uu intaa ku daray in lagu soo rogi doono cunaqabateyno culus.
Kulanka waxaa codsadey Koofur Kuuriya, Jabaan iyo Maraykanka si loo helo jawaab midaysan oo arrinta laga gaadho.
Koofur kuuriya waxa ay  iska dhega tirtay digniinaha caalamiga ah ee loo jeedinayay, waxa ayna sheegtay in si guul ah uu gantaalka xambaarsanaa dayaxgacmeedka ugu gaadhay hawada sare
Waxaa jiray cambaarayn baahsan oo ku aaddan gantaalka ay gantay Kuuriyada Waqooyi, iyadoo la sheegay in taasi ay xagdugub ku tahay qaraarada Qarmada Midoobay.
Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa gannida gantaalka oo qeyb ahaan dulmaray hawada Japan, ku tilmaamay gabi ahaanba wax aan loo dulqaadan karin.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Park Geun-hye, ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay daandaansi, waxa ayna ku baaqday in lagu soo rogo cunaqabateenno culus.
Shiinaha oo ah xulafada ugu weyn Pyongyang ayaa sheegay in uu ka xun yahay gantaalka la ganay, gantaalkaasi oo TV-ga qaranka Kuuriyada Waqooyi uu sheegay in si guul ah uu u gaadhay hawada sare.
Mareykanka, Japan iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay dalbadeen in galinka dambe ee Axadii shalay uu shir deg deg ah isugu yimaado Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si arrintan looga xaajoodo.

Leave a Reply