Isbadelo lagu sameynayo dastuurka Aljeeriya

0
337

Baarlamaanka dalka Aljeeriya ayaa lagu wadaa in uu u codeeyo isbadelo lagu sameeyay dastuurka.
Isbadeladaas ayaa waxaa ka mid ah in xilliga madaxweynaha lagu koobo laba jeer oo kaliya, halka luuqada Berberkana la siiyay aqoonsi rasmi ah.
Isbadeladan ayaa waxa ay ka mid ahayeen ballanqaadyo uu Madaxweyne Cabdulcasiis Butafliiqah sameeyay kaddib kacdoonkii Carabta ee 2011.
Aljeeriya ayaa ka badqabtay inta badan qalalaasihii ruxay caalamka carabta 5tii sano ee la soo dhafay.
Qeyb ahaan taasi waxaa loo aanaynayaa xusuusta aan qurxoonayn ee dagaalkii sokeeye ee 90 meeyadii.
Laakiin waddanku wuxuu wajahayaa caqabado la mid ah kuwa haysta dalalka kale ee carabta, inkastoo ay arrinta yara khafiifiyeen kaydka saliidda iyo gaaska.
Dalkaas waxaa gacan adag ku hogaaminaya madaxweyne Cabdulcasiis Butafliiqah oo markii 4aad ku guulaystay madaxtinimada, inkastoo uu mar ku dhacay xanuunka dhinaca qallajiya.
In dib loo soo celiyo in qofna uusan laba goor ka badan qaban karin madaxweynenimada, iyo sidoo kale xorriyadda hadalka oo si buuxda loo helo, iyo in si rasmi ah loo aqoonsado dadka Berberka ayaa ah astaamo muujinaya in dalku uu ku socdo qaab dimoqaraadiyadeed.
 

Leave a Reply