Ciidanka dilka fuliya ee Kuwayt ayaa aad ula yaabay, markii nin lagu xukumay dil oo la deldelayaya uu ka codsaday inay sigaar u shidaan inta aanay dilin. Askariga oo aad u yaabay ayaa u fuliyay dalabkiisa. Waxaana loo shiday sigaarka wakhtigiisa deldelaadda wax yar ka hor. Dilkan oo lagu fulinayay saddex qof oo u kala dhashay Sacuudiga iyo Bakistaan kuwaasi oo lagu helay inay dilal geysteen. ( Wargeyska Kuliyoum)