Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalalka Jaamacadda Carabta Ku Booriyay Inay Kaalin Ku Yeeshaan Horumarka Somaliland Ku Tallaabsatay

0
287

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa habeen hore xaflad casho sharaf ah madaxtooyadda ugu sameeyay wefti ka socday jaamacadda carabta oo khamiistii socdaal rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Kulankaasi iyo ajandeyaashii madaxweynuhu kala hadlay weftiga jaamacadda Carabta, waxa warsaxaafadeed ka soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) oo tilmaamay in madaxweynuhu intii kulankaasi socday la soo qaaday weftiga in loo baahan yahay in dunida carabtu ay kaalin ku yeelato horumarka balaadhan ee ka socda dalka jamhuuriyadda Somaliland.
War-saxaafadeedka afhayeenka madaxtooyaddu isagoo dhammaystiran waxa uu u qornaa sidan:“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay (habeen hore) (11.02.2016) Qasriga Madaxtooyada casho sharaf  ku qaabilay xubno ka socday Ururka Jaamacada Carabta oo uu hogaaminayey danjire  Zayd Al Sabaan oo ah Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Ururuka Jaamacada Carabta oo ay wehelinayeen safiir  Cabdimuncim Cabdilcadiim oo ah Agaasinka Waxbarashada Sare, danjire Maxamed Cabdala Idiris oo ah Safiirka Jaamacada Carabta u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaliya iyo Mudane Axmed Naaji Bakaal oo ah Xubin sare oo ka socday Xafiiska Xidhiidhka Jaamacada Carabta iyo Africa.
 
Dhanka Xukuumadda waxa kulankan Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Mud. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mud. Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mud. Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe). Intii uu kulankani socday waxa lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka ay Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay Ururka Jaamacada Carabta iyo doorka ay Jaamacada Carabtu ka qaadan karto bernaamijyada horumarineed ee ka socda Jamhuuriyadda Somaliland. Dhinaca kale waxa iyana la isla soo qaaday sidii Ururka Jaamacadda Carabtu ay u ixtiraami lahaayeen qadiyada Somaliland.
 
Kulankan uu Madaxweynuhu la yeeshay weftigii ka socday Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku soo beegmaya xilli ay Xukuumaddu si weyn u dar-dar galisay isla markaana dedaalo dheeraad ah galisay tayaynta xidhiidhka ay Jamhuuriyadda  Somaliland la leedahay Dunida Carabta. Xukuumaddu waxay daruuri iyo lagama maarmaanba u aragtaa inay la timaado qorshe iyo weji siyaasadeed oo fur-furan oo ka duwan kii ay Somaliland hore ugula dhaqmi jirtay Dunida Carabta. Qorshahani wuxuu hagayaa oo uu si cad uga tarjumayaa baahiyaha uu leeyahay Qaranka  Somaliland ee ku wajahan xidhiidhka dhinacyada badan leh ee uu dalkeennu la leeyahay Dunida Carabta.
 
Guntii iyo gebagabadii, kulankani wuxuu ku soo dhammaaday is faham, isu soo dhawaansho iyo balan-qaadyo hor leh halkaasoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu weftiga ku guddoonsiiyey hadiyad ka Turjumaysa Astaanta Qarannimada Jamhuuriyadda  Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu weftigii ka socday Ururka Jaamacadda Carabta ku baraarujiyey sida ay Somaliland uga baahan tahay hagar-bax iyo hiilba, gaar ahaan dhinacyada  mashaariicda horumarinta, iskaashiga aqoonta iyo deeqaha Waxbarashada iyo ka qayb qaadashada adeegyada guud ee lagama maarmaanka u ah tayaynta Nolosha Bulshada.ALLAA MAHAD LEH.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply