Natiijadda Kulan Boorame Ku Dhex Maray Guddoomiye Cirro Iyo Cabdiraxmaan Aw Cali

0
328

Hargeysa(Dawan):-Kulan qaddo ah  ayaa shalay magaalada Boorame ee xarunta gobalka Awdal ku dhex maray Guddoomiyaha  xisbiga mucaarIdka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax.
Kulankan  oo u jeedadiisu ahayd mid is-xog-waraysi ah kana qabsoomay Huteelka Rays ee Boorama, ayaa sida oo kale waxa ka soo qeyb-galay xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka iyo weliba sida oo kale siyaasiyiin, wax-garad, aqoon-yahan iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobalka Awdal.
Madaxweynahii xigeenkii hore ee Somaliland Md.Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminaayo guddoomiye Cirro, isaga oo ku dheeraaday xidhiidhka ay lee yihiin isaga iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in guddoomiye Cirro uu yahay hoggaamiyeyaasha ugu mudan ee ay rajo ka qabbaan in uu qaranka hoggaamiyo, isaga oo ku ammaanay in uu yahay in dhowr soon oo siyaasaddiisa ay ku ladhan tahay degganaasho  iyo lexlo-jeclo badan oo uu qaranka ka lee yahay.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad-weyn u tahay in maanta ay kulan qadeed wada qaataan madaxweyne Ku-xigeenkii  hore ee Somaliland Md.Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax, isaga oo sheegay in kulankani uu kaliya ku ee kaa is-xogwaraysi ku saabsan siddii looggu wada diyaar garoobi lahaa wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Somaliland, isla mar ahaantaana ay u wada diyaar garoobayaan siddii loogga shaqeyn lahaa wacyi-gelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply