Shahaadada Raganimada Wuxu Qaataa Markuu Libaax Dilo!

0
295

Dunida si kasta oo loo sheego inay tahay casri haddana weli waxa jira caadooyin iyo dhaqamo ay leeyihiin bulshooyinka qaarkood. Qabiilada Turkana waxay degtaa dalka Kiiniya gaar ahaan hareeraha harada Turkana.
Qabiiladan ayaa dhaqata Lo’ada iyo Idaha. Waxaana ka mid ah caadooyinkooda in ragga dhalinyarada ah lagu tababro goobo gaar ah iyagoo la barayo sida waranka loogu dilo libaaxa. Dhulkaasi oo libaaxu ka badan yahay , waxa waajib ah in nin kastaa keligii dili karo libaaxa.
Marka ninku uu libaaxaasi u badheedho ee uu la dagaalamo oo  dilo ayaa loo qirayaa inuu yahay shakhsi qaatay magaca Nin. Waxaana la sheegay in badankoodu libaax ay ku dilaan hal waran oo keliya oo ay kaga dhuftaan labada indhood dhexdooda.

Leave a Reply