Wasaaradda Daakhiliga Oo Xabsiga Dhigtay Masuuliyiinta Degmadda Oog

0
376

Caynaba (Dawan): Maayarkii degmadda Oog  C/rasaaq C/salaan  Afrikaani  iyo xoghayihii degmadaasi  Axmed Cali Nuur iyo sidoo kale khasnajigii dawladda hoose ee degmadda Oog ayaa la sheegay in ciidamadda gobola Saraar ay xabsiga u taxaabeen. Waxa la soo weriyay  in sababta xadhiga masuuliyiintaasi  uu ka dambeeyay  khilaaf muddo u dhexeeyay saraakiishan, kaasi oo sababay in ay wada shaqeyn kari waayeen isla markaana ay gacanta iskula tageen   ka dibna  dhawr jeer oo la isku deyay in la dhex-dhexaadiyo wax xal ah loo waayay. Khilaafka masuuliyiinta degmadda Oog ayaa la sheegay in uu ka dhashay kala dambayn la’aan iyo awood maroorsi dhexdoodda, isla markaana  uu mid waliba  ka kale ku eedeynayay  in uu shaqadiisii ku soo xad-gudbay. Iyadoo ay taasina dhalisay  in ay is-taagto adeegyaddii ay bulshadda uga masuulka ahaayeen.  Warku waxa uu intaas ku darayaa in xadhiga masuuliyiinta degmadda Oog uu bixiyay Wasiir ku xigeenka  Maamulka goboladda iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Jaamac C/laahi Biin,   oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogo magaaladda Oog si uu u furdaamiyo khilaafka loo caal waayay ee u dhaxeeya masuuliyiinta degmadaas. Wasiir Ku xigeenku waxa uu faray masuuliyiinta gobolka Saraar in la xidho masuuliyiintan  oo uu ku eedeeyay inay  u dhaqmeen qaab qayrul masuulnimo ah.Dhinaca kale shaqaalaha dawladda hoose ee degmadda ayaa dhawaan sheegay inaanay muddo dhawr bilood ah wax mushahar ah qaadan, waxaanay ku eedeeyeen in masuuliyiinta degmadu ay ku tagri faleen kharashaadkii dakhligii soo galayay dawladda Hoose.Shaqaaluhu waxay  ku doodeen in Maayarka, Xoghayaha iyo khasnajiga dawladda hoose ee Oog ay cagaha kula jiraan maamul xumo iyo musuqmaasuq albaabada u xidhi kara dawladda hoose haddii aanay dawladda dhexe ka qaadin tallaabo sharciya oo adag.  Wasiir Jaamac Biin oo aanu xalay isku deynay inaanu dhacdadan wax ka weydiino ayay noo suurto-geli wayday ka dib markii uu qaban waayay telefoonkiisa gacanta oo aanu dhawr jeer oo kala duwan garaacnay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply