Hawlgal Baadi goob ahaa oo la soo Afjarey

0
383

Mas’uuliyiinta Taiwan ayaa waxa ay sheegayaan in la soo afjaray hawlgal lagu baadi goobayay dadkii ku dhintay dhul gariirkii usbuucii hore ku dhuftay dalkaasi.
Baadi goobkaasi ayaa waxaa lagu soo helay meydadka dhammaan dadkii halkaasi ku dhintay marka laga reebo laba qof oo wali la la’yahay.
Meydadka dadka la helay ayaa waxaa laga soos aaray burburka dhisme 17 dabaq ka kooban oo ku burburay dhul gariirkaasi.
Injineeradii dhismahaasi dhisay ayaa loo xidhay dhimashada dadkaasi.
 

Leave a Reply