Muran ka Dhex Bilowday Obama iyo Musharixiinta Jamhuuriga

0
390

Waxa uu muran adag ka dhex bilowday madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, iyo musharraxiinta xisbiga Jamhuuriga, ka dib markii uu geeriyooday xaakimka muddada ugu dheer ka tirsanaa xubnaha maxkamadda dalkaasi ugu sareysa.
Antonin Scalia, oo 79 jir ahaa, ayaa si weyn u diidanaa dumarka ilmaha iska soo xaaqa iyo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.
Geeridiisa ayaa ka dhigan in muxaafidiinta Mareykanka oo uu ka mid yahay xisbiga Jamhuuriga ay lumiyeen aqlabiyadii ay ka lahaayeen maxkamadda dalka ugu sareysa.
Madaxweyne Obama ayaa shaaciyay inuu fulinayo mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran, isla markaana uu soo magacaabayo ciddii bedeli lahayd xaakim Antonin Scalia.
Balse musharraxiinta Jamhuuriga ayaa ku baaqay in magacaabida dib loo dhigo ilaa ay ka dhacayso doorashada November.
Madaxweyne Obama ayaa la filayaa inuu diidmo adag kala kulmo aqalka senate-ka oo ay hadda u badan yihiin xubnaha Jamhuuriga, kaasoo ay tahay inuu ansixiyo qofka uu jagadaasi u magacaabo madaxweynaha.
 
 
 

Leave a Reply