Qalabku Ma Dhinto: Huteel Cajiib Ah

0
387

Magaalada Amsterdam waxa ku yaalla huteel cajiib ah kaasi oo laga sameeyay wiish gaboobay gudihiisa, oo loo adeegsan jiray Maraakiibta. Wiishkan ayaa la burburiyay sanadakii 2011-2015, waxaan laga dhigay saddex dabaq oo isa saaran.  Miisaanka wiishka ayaa ah 198 ton isagoo dhererkiisu yahay 50 mitir oo ka sareeyo dhulka.  Huteelkan aya ka mid ah kuwo lagu raaxaysto oo lacag qaal ahna lagu seexdo. Maaha dhisme caadi ah waa wiishkaasi gaboobay oo hoostiisa la qurxiyay.
Shirkadda Huteelkan samaysay ayaa sheegtay in aan loo baahan yahay marka shaygu hawlgab noqdo (Depreciation) in loo adeegsado wixii kale ee laga samayn karo si uu isticmaalkiisu usoo jiro.  Shirkadda ayaa intaasi ku dartay in qalabku aanu dhiman laakiin uu isticmaalkiisu si kale oo faa’iido leh isu rogo. Waxaana la sheegay in wiishkan huteelka laga sameyeyay aanay ku bixin kharash badani.

Leave a Reply