Qofna Ha dhibin, Hana Dhaawicin Qalbigiisa!

0
565

Waxa laga yaabaa inuu leeyahay cudur daar, laakiin aanad ogayn, si naftaadu u degto markii aad ku aragto waxaanad ka filayn u same cudur daar.
Waa arrin qiimo badan haddii aan habdhaqan ka dhigano inaan dadka u samayno cudur daar. Wakhtigaasi waxa xaqiiqo ah inaan ku noolaan doono nolol ka madhan xumaan ayna ka buuxdo deganaan iyo raaxo aan werwer lahayn.
Marka aan iska ilowno murugada wixii shalay ina dhaafay, kana dhigano waayo aragnimo, oo isla markaa maantada aan joogno ku raaxaysano kana fikiro wanaageeda waayo waa maalin cusub oo Allah (sw) ina siiyay waa markaasi wakhtiga aan helayno nolosha fiican.  Weligaa qof banii’adam ah ha dhibin, hana dhaawicin qalbigiisa. Taasi ayaa lagu gaadha guusha aduunyo iyo tan aakhiro. Muddo yar ayaad ku dhaawici karta niyadda qof ku jecel, waxayna ku qaadataa muddo dheer inaad niyadiisa soo celiso.
 

Leave a Reply