Ruushka oo loogu Baaqay inuu wax ka Bedelo Duqeynta Suuriya

0
324

Xoghayaha Arrimaha  Dibedda Maraykanka John Kerry ayaaayaa Ruushka ku eedeeyay inay duqeynayaan kooxaha mucaaradka ah ee sharciga ah ee dalka Suuriya iyo waliba dad rayid ah.
John Kerry waxa uu  ka hadlayay shirka amniga ee hoggaamiyasha adduunka qaarkood uga socda magaalada Munich ee Jarmalka.
Kerry ayaa sheegay in duqeynta ugu badan ee Ruushku ka wado Suuriya ay la beegsanayaan kooxaha mucaaradka sharciga ah.
Kerry ayaa Ruushka ugu baaqay inuu wax ka baddalo bartilmaamedsiga kooxaha mucaaradka, wuxuuna sheegay Ruushka inay muhiim tahay inuu u hoggaansamo heshiiskii ay waddamada quwadduhu shalay galeen ee ku baaqayay in colaadda Suuriya la joojiyo .
RW Ruushka Dmitry Medvedev ayaa beeniyay in Ruushku uu dad rayid ah duqeeyay.
 
 
 
 
 

Leave a Reply