Tirada Shacabka ku Waxyeeloobay Afghanistan oo Gaadhey Heerkii ugu Sareysay

0
497

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada shacabka ku waxyeeloobay colaadda Afghanistan ee sanadkii 2015ka ay gaadhay heerkii ugu sareeyay.
Tiradaasi ayaa boqolkiiba 4 ka sareysa tii sanadkii ka horeeyay, iyadoo 3,500 oo qof oo rayid ah ay sanadkii lasoo dhaafay dalkaasi ku dhinteen, halka dhaawacuna uu gaadhay 7,500 oo qof.
Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Zeyd Racad Al Xuseyn, ayaa sheegay in shacabka Afghanistan ay waxyeelo ka soo gaadheyso “weerarro arxan darro ah oo aan mabda’ lahayn”.
Waxa uu intaa ku daray in kuwa mas’uulka ka ah ay tahay in cadaaladda la hor keeno.
Tirooyinka ay soo bandhigtay Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in boqolkiiba 62 ay dadkaasi waxyeelada kasoo gaadhay xooggaga ku kacsan dowladda, boqolkiiba 17 ay sababeen ciidammada dowladda, halka boqolkiiba 17 kalana ay ku waxyeeloobeen rasaas la isweydaasanayay.

Leave a Reply