Macluumaad Guud Oo Ku Saabsan Faa’iidada Cunista Kalluunka

0
645

Baadhitaano cusub oo la sameeyay ayaa la isku raacay in cuntada ay ku badantahay saliida nooca loo yaqaano “Omega 3” oo aad ugu badan nooc ka mid ah kalluunku ay yareyso cudurada ku dhaca maskaxda (dementia).
Cuduro badan oo ku caan baxay maskaxda ama keena waalida sida “Parkinson Disease”, “Alzheimar Disease” iyo “Pick’s Disease” ayaa waxay u noqonaysaa talaabo cusub oo lagaga hortagayo inuu cudurkani sii galaafto bukaano hor leh.
waxa kale oo saliidan laga helaa khudaarta iyo faruutka, laakiin qofkii cuna kalluun todobaadkii hal mar waxay ka yareynaysaa khatarta cudurada ku dhaca maskaxda 40%.
Inkastoo saliidaha qaar ay mushkilad kusii siyaadiyaan sida “Omega 6” oo laga helo ubaxa gabaldayaha.
Saliida “Omega 3” oo ka mid ah saliidaha muhiimka u ah jidhka bani’aadamka ayaa laga helaa “anti-oxidants” oo ka hortagta inuu dhaawac gaadho unugyada maskaxda.
Kalluunku guud ahaan wuxuu qani ku yahay maadada omega-3, maadadan waxay aad muhiim ugu tahay shaqada maskaxda si guud ahaaneed, maadadan jidhku sooma saaro, sidaa darteed waxa waajib ah in laga helo cunada gaar ahaan Kalluunka.
Kaluunka wuxuu leeyahay dufan aan badneyn, gaar ahaan cholesterol-ka nooca xun kuma badna, sidaa darteed wuxuu u wanaagsan yahay dadka dagaalka kula jira hilibka jidhkooda fuula, wuxuuna u wanaagsan yahay wadnaha iyo xididada.
sidoo kale kalluunku wuxuu qani ku yahay proteins badan, wuxuuna u wanaagsanyahay shaqada jidhka guud ahaan iyo dhismaha muruqyada iyo hagaajinta shaqadooda.
Wuxuu qani ku yahay vitamino badan gaar ahaan D iyo A, waxaana sidoo kale laga helaa macdano muhiim u ah shaqada jidhka.
Wuxuu ka hortag u yahay cudurada qaar, wuxuuna dawo uyahay xanuunada kala-goysyada iyo kuwa kale. Faa’iidooyinkaas iyo kuwa kaleba waxey inagu dhiiragalinayaan cunida kalluunka ugu yaraan todobaadkii hal mar.
Soomaalida ku nool waddama reer galbeedka ayaa waxa la arkay in markay qurbaha tagaan ay caafimaad qabaan, sanado kadibna ay la soo daristo caafimaad xumo. Dhakhaatiirta ayaa arrinkaas ku fasiray qorax la’aanta waddamada ay u soo hayaameen kadib markii ay arkeen sida uu u liito heerka fitamiin D Soomaalidii laga cabiray. Taas waxaa loo aaneeyaa maqaarkooda oo madow, hab-dhaqanka labiska, dhalmada isu dhow iyo iyaga oo aan ku fiicnayn cunada qaniga ku ah fitamiin D sida kalluunka.
Fitamiin D wuxuu kaalin libaax ka ciyaaraa habsami u shaqeynta jidhkeena iyo caafimaadka guud gaar ahaan koriinka, murqaha iyo lafaha. Dadka uu hooseeyo heerka fitamiinkaas badankoodu malaha wax calaamad ah, inkastoo laga yaabo inay isku arkaan daal, juuc-juuc iyo xanuun guud oo saameeya murqahaiyo lafaha. Dhibaatadan waxa si gaar ah ugu nugul hooyada uurka leh iyo caruurta ka yar 5 sano. Raggana wuu asiibaa.
Mr. Gail oo ah sarkaal degan Ottawa kana tirsan Soomaali immigrant community ayaa wuxuu yidhi. “Haddii aad aragtid markay dadkani imanayeen halkan iyo sida caafimaadkoodu isu bedelo dhowr sanadood kadib way adag tahay in wax kale lagu fasiro oo aan ahayn faqriga fitamiin D. Dr Cannel oo isaguna wax ku qora website www.vitamindcouncil.org ayaa yidhi waa dambi waxa ku dhacaya dadka madow ee degan Ameerika iyo Kanada.” Isagu wuu ku talax tagay oo wuxuu hoos u dhaca heerka fitamiin D la xidhiidhiyay cudurada ku soo batay Soomaalida markay qurbaha yimaadaan sida autism, waalida, murugada, wadno-xanuunka, sonkorowga, dhiig-karka iyo stroke.
Soomaalida iyo dhakhaatiirta qurbaha ayaa is nacay kadib markay ku noq-noqdaan iyagoo ka cabanaya muruq iyo lafo xanuun maaro loo waayay taasoo badanaa dhakhaatiirtu aanay u tababarnayn sida loola tacaalo dhibkaas u gaarka ah muhaajiriintan waddankooda ku cusub. Dhakhaatiirta magaalada Bristol ayay yaab iyo amakaag riday dhibka kala haysta muraqyada iyo lafo xanuunka iyo Soomaalida degan Bristol. Waxay sameeyeen cilmi-baadhis muhiim ah oo dhakhaatiirta iyo dawladuba wax ka barteen. Dadkii badnaa ee ay dhiiga ka qaadeen waxay ku ogaadeen in 299 qof uu heerka fitamiin D uu hooseeyo. Marka la eego wadamada ay ka soo jeedaan waxa si xarago leh hogaanka ugu qabtay Soomaalida oo noqday 74%.
Waxaan shaki ku jirin hooyada qabta faqriga fitamiin D inay iyaduna dhali doonto ilmo la il-daran dhibaatadaassida fudud looga hortagi karo. Imaatinka soo galootida iyo muhaajiriinta ayaa horseeday inuu soo laba kacleeyo cudur waa hore laga dabargooyay caruurta UK oo la yidhaahdo rickettsia (lafo qal-qalooc). Qaylo-dhaan ka soo yeedhay Wasaarada Caafimaadka Ingiriiska ayaa lagaga codsaday dhamaan hooyooyinka uurka leh iyo kuwa naaska nuujinaya inay maalin kasta qaataan kaniinka fitamiin D. Fitamiino lacag la’aan ah ayay dawlada Ingiriisku qaybisaa tan iyo markii la bilaabay mashruuca loogu magac daray healthy start, kaasoo loogu qeybiyo hooyooyinka dakhligoodu hooseeyo, si ay u helaan caano iyo lacag ay siistaan kalluun.
Tan dhakhaatiirta UK mid ka daran waxa arkay cilmi-baadhayaal Swedish ah oo is bar-bardhigay dhiig ay ka qaadeen hooyooyin uur leh oo 20 ay yihiin Soomaali, 20 kalena ay yihiin Swedish, kuwaasoo dhamaantood degan caasimada Stockholm. Waxay aad ula fajaceen markii ay arkeen in dhamaan hooyooyinka Soomaalida uu heerka fitamiin D uu aad u hooseeyo halka hooyooyinkii Swedish ay dhamaantood caadi noqdeen.
Cilmi-baadhayaasha qaarkood ayaa la xidhiidhiyay yaraanta fitamiin D iyo cudurka autismaha (caruurta aan hadlin, caqligooduna aanu taam ahayn), waxay ku doodeen inuu ku badan yahay wadamada aan qoraxda badan lahayn. Waxay daliil ka dhigteen in Soomaalidu markay wadankooda joogeen in cudurkaas aanay aqoon markayse yimaadeen wadamada qaboobaha uu saameeyay qoysas badan oo Soomaali ah kuwaas oo ula baxay magacyo ay ka mid yihiin cudurka Swedishka ama kan Minesotta, iwm.
Khuburo Swedish ah ayaa sheegay in autismuhu uu soomaalida kaga badan yahay ilaa 4 jibaar marka la bar-bardhigo qawmiyadaha kale, waxaanay dhakhaatiirtu kula taliyaan inay isticmaalaan kalluunka, maadaama laga helo fiitamiin D, isla markaana yaraantiisa ay keento qorax la’aanta ka jirta waddamada reer Galbeedka.
 
 

Leave a Reply