Wasiirka Cusub Ee Warfaafinta Oo Tabobar U Soo Xidhay Shaqaalaha Ammaanka Ee Madaarrada Dalka

0
290

Hargeysa(Dawan):- Wasiirkii hore ee wasaaradda Duulista hawadda Somaliland, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), oo madaxweynuhu  bedalay Wasiirka cusub ee warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta, ayaa shalay u soo gabo-gabeeyay hawl-wadeenadda ammaanka u qaabilsan madaarrada Somaliland tabobar laba toddobaad socday oo la xidhiidhay waajibaadkooda shaqo.
Xafladii loo sameeyay gunaanadka tabobarkaasi, waxa ka soo qeyb galay  Agaasimaha Guud ee Wasaarda Duulista Cumar Sayid C/laahi Aadan, Agaasimaha Waaxda Mashaariicda ee Wasaaradda Duulista Muuse, Maamulaha Madaarka Cigaal Interventional Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil  iyo Hawlwadeenno kale.
Waxa ugu horayn halkaa ka hadlay Nawal Axmed Saleeban oo ah Madaxa Tababarada Sharikada Ammaanka ee SRM, waxaanay tidhi  “Waxaan aad ugu mahad naqayaa ILAAHAY oo  maanta innagu simay in Tababarkani innoo dhammaado, intaa ka dib waxaa mahad iska leh Wasiirkeenna, oo runtii wakhti badan galiyey sidii uu Tababarkani u qabsoomi lahaa. waxaan sidoo kale u mahad naqayaa Macalinka Tababarka bixinayey Mr Tendai Chakeizira, Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda iyo Hawl-wadeenada qaadanayey Tababarka.” Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa isaguna sharaxay ahmiyadii laga lahaa tabobarka la soo gabo-gabeeyay.“Tababarkani waxa uu laha laba waji, waa marka koowaade, waxaa kor loogu qaadayey aqoontiina Ammaanka Madaarrada, mida kale waxa weeyaan Wasiirkeena oo ahmiyad fiican siinayey oo danaynayey Halwadeenada Ammaanka Madaarrada sidii ay aqoon fiican ugu yeelan lahaayeen hawlaha Sugida Amaanka,”ayuu yidhi Maamuluhu.
Wasiirka cusub ee warfaafinta, ahna Wasiirkii hore ee Duulista Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa u soo jeediyay hawl-wadeenaddii tabobarkaas qaatay inay macluumaadkii ay ka korodhsadeen tabobarkaas ku daboqaan hawl-maalmeedkooda shaqo. “Waxaan u imi halkan waxa weeye, in aan idiin xidho Tababarkan, oo ay tahay waxa qudhee hadhsani, in qof kasta dib loo baadho in uu leeyahay, wax Dambiya oo uu dalka ka galay dabeed la siiyo warqada dambi la’aanta,”Ayuu yidhi Wasiir Cadaani.
Wasiirku waxa uu shaqaalaha ku dardaaray inay isku xidhnaantooda kor u qaadaan, isla markaana ay si feejigan ugu wada shaqeeyaan adeegyadda culus ee ay qaranka u hayaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply