Saarista Beer Yarada Waxyaabaha Sababa Iyo Khatarta Caafimaad Ee Soo Waajaha Qofka Laga Saaro

0
3155

Beeryaradu waa xubin yar oo kutaala dhinaca bidix ee ubucda, feeraha hoostooda.
Xubintaan waxay door wayn ka ciyaarta hab dhiska difaaca ee jirka, waxayna la dagaalantaa infectionka. Waxay kaloo ka saartaa dhiiga unugyada duqoobay ee dhiiga cas.
Hadaba marka laga fursan waayo in la saaro beeryarada waxaa la sameeyaa qaliin loo yaqaano splenectomy.
Badanaa waxyaalaha sababa in lasaaro xubintaan muhiimka ah waxaa kamid ah, Infectionka, beeryarada oo cabirkeedu waynaado, ama in kansar ku dhacay.
In lagaa saaro beeryaradu waxay wax yeelaynaysaa hab dhiska difaaca jirka. Sidaa daraadeed marka lagaa saaro beeryarada waxaad awoodi waayaysaa in jirkaagu iska caabiyo infectionada, waxaad  kaloo ubaahan kartaa  in sanad walba lagu talaalo si jirkaagu iskaga celiyo infectionada,.
Waa maxay sababaha dadka looga saaro beeryarada?
Waxaa jiri sababo badan oo dhakhtarku uu ku go,aansan karo inuu kaa saaro beeryarada, waxaa kamid ah sabHadii dhiigaagu jiran yahay: waxaa khasab noqon karta in lagaa saaro beeryarada hadii aad qabtid xanuunada dhiiga ku dhaca sida, sickle cell anemia, hemolytic anemia, idiopathic thrombocytopenic purpura, ama polycythemia.
Hadii beeryaradu ku waynaatay: beeryarada waynaata waxay keentaa inay xirto ama burburiso unugyada dhiiga ee caafimaadka qaba jirkuna u baahanyahay taasoo keeni karta in dhiigu ka yaraado qofka, beeryarada waynaata waxay keentaa dhiig la,aan, infection, waxay kaloo noqotaa mid aan shaqaynayn, sidoo kale beeryarada waynaata way dilaaci kartaa.
Beeryarada oo dilaacda: hadii beeryaradu ku dilaacdo waxaad u baahantahay in si degdeg ah lagaaga saaro waayo waxaa dhacaya dhiig bax ubucda gudaheeda ka dhacaya kaasoo dhimasho keeni kara hadaan la saarin beeryarada.
Kansar: hadii beeryarada uu ku dhaco kansar waxaa qasab ah in la saaro waayo kansarka beeryaradu wuxuu sababi karaa in ay beeryaradu waynaato ama dilaacdo.
Infectionada: infectionada qaarkood waxay noqdo kuwo lagu daween waayo dawooyinka antibiotics la yiraahdo  waxayna sababi karaan in beeryaradu caabuqdo kadibna uu galo gudaheeda dheecaano uu caabuqo sababay taasoo aakhirka keeni karta inay dilaacdo ama ay saamayso xubnaha ku dhagan.
Waa maxay khatarta ka imaan karta saaritaanka beeryarada?

  • In xinjirow uuku sameesmo xididada dhiiga ka qaada beeryarada oo geeya beerka
  • In eerno ku samaysmato meesha qaliinka lagu samaynayo
  • In infection ka dhaco gudaha ubucda
  • In sanbabada isku soo dumaan ama isku dhex dhacaan
  • In xubnaha kale ee u dhaw beeryarada ay dhaawacmaan sida, caloosha iyo  mala wadka.
  • In dheecaan carun ah ku samaysmo ubucda.

 

Leave a Reply