Xoolo-dhaqatada Somaliland Ee Abaaruhu Saameeyeen Oo Isu Bedelaya Kalluumaysato

0
327

Dalka Somaliland waa mid ka mid ah waddamada aan si rasmi ah ictiraaf caalami ah uga helin bulshada adduunka, isla markaana weli loo aqoonsan yahay inuu ka mid dalka Soomaaliya.
Balse, dadka reer Somaliland ayaa hore u go’aansaday inay ka go’aan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyada sannadkii 1991, isla markaana ka dhursugaya, dedaalna ugu jira sidii ay caalamka aqoonsi uga heli lahaayeen, iyagoo sameeyay dhamaan shuruudaha looga baahan yahay dawladnimo.
Cunitaanka hilibkka kalluunka ayaan ka mid ahayn waxyaabaha ay dhaqan ahaan Soomaalidu isticmaasho, sababtoo ah inta badan bulshada Soomaalidu waa xoolo dhaqato ah, isla markaana reer guuraaga ah, kuwaasoo dhaqda geella, adhiga, xataa kuwooda degan meelaha xeebaha ahi waa xoolo dhaqato. Abaaraha is-daba jooga ah ee muddooyinkii u dambeeyay kusoo noqnoqday dhulka Soomaalida iyo guud ahaan geeska Afrika ayaa saameeyay xoolihii iyo dhulkii ay Soomaalidu ku ahaayeen reer guuraaga, taasina waxay xilligan sababtay inay dadkaas xoolo dhaqatada ahaa isu bedelaan kalluumaysato, gaar ahaan reer Somaliland oo dhaqashadii xoolaha ay abaartu halakaysay, waxaanay xilligan dad badani qorshaynayaan inay quutal-daruurigooda kala soo baxaan badda dheer, isla markaana dihin ee ay leedahay Somaliland.
Bulshada ku dhaqan bariga gobolka Saaxil ee ay saamaysay abaarta daba dheeraatay ee xilligan ku habsatay guud ahaan dalka ayaa bilaabay qorshe ay ku noloshooda ku kaabanayaan, isla markaana wixii ay ku noolaan lahaayeen kala soo baxaan badda. Sidoo kale waxa jira deegaamada galbeedka dalka oo oo iyagana ay saamaysay abaartan ba’ani inay ku talo-jiraan u xadhko-xidhashada sidii ay kalluumaysato u noqon lahaayeen, iyadoo dhinaca kalena ay jiraan duruufo xirfad la’aaneed oo haysta dadka ku deegaannada xeebaha, taasoo haddii ay helaan ka saacidi lahayd inay si fudud uga kalluumaysan karaan badda dihin eek u dhereren bari ilaa galbeed.

Leave a Reply