Warbaahinta Qaranka Kenya oo loo Haysto Deyn

0
303

Dhismaha warbaahinta qaranka ee Kenya ayaa si ku meel gaadh ah loo xidhay salaasadii  kaddib markii lagu yeeshay lacag dayn ah oo gaadhaysa 20 milyan oo doolar.
Saraakiil ka socota dawladda hoose ee Nairobi ayaa xidhay albaabada warbaahinta KBC, waxayna dalbadeen in lacagtaas la bixiyo.
Lacagtan oo kiro dhul ah ayaa uruuraysay ilaa iyo markii ay Kenya Xornimada qaadatay.
Dawladda hoose ayaa markii hore ku goodiday in ay xaraashi doonto dhismaha iyo agabka warbaahintaba si dayntaas looga bixiyo.
Ogaysiis wayn oo muujinaya daynta lagu leeyahay ayaa la sudhay albaabada dhismaha.
Saraakiil ka tirsan Dawladda Hoose ee Nairobi ayaa BBC u sheegay in ay lacago badan oo kiro dhul ah ay ku leeyihiin hay’addo badan oo dawladda ah.
Wuxuu sheegay in ay lacagtan aad ugu baahan yihiin si ay u fuliyaan hawlo daruuri ah sida biyaha iyo adeegyo caafimaad.
 
 

Leave a Reply