Canaadnimada Caruurnimadu Waa Guusha Weynida

0
290

Daraasad cusub oo ay dhowaan sameeyeen khubaro ku takhasustay cilmiga caruurta ayaa sheegay in caruurta oo canaad ku noqota yaraantu ay hadhow keento inay noqdaay kuwo guulaysta markay weynaadaan.
khubaradan ayaa sheegay in marka la gaadho 40 sanno in caruurtaasi ay noqdaan kuwo caalamka kaalin ka gala,iyaga oo noqonaaya kuwo dabeecad wanaagsan marka loo eego yaraantoodii.
sidoo kale culimadan daraasada samaynaysay ayaa sheegay in waqtiyada qaar ay dadkaasi markay gaadhaan 52 sanno ay noqdaan kuwo samayn badan yeeshay marka loo eego caruurta dhigooda ah ee aan caniidka ahayn ama aan canaadka badnayn.
waxaanay sabab uga dhigeen cilmibaadheyaashani iyaga oo markay weynaadaan go’aankoodu noqdo mid hir gala,kaas oo ay suurtogal tahay in uu ku guulaysto qofkaasi go’aan walba oo uu qaato.
go’aan qaadashadaas ayaa ka dhigta siday sheegeen kuwo awooda inay guulaystaan ,madaama oo ay caniidnimada yaraanta lafteedu tahay mid ku salaysan go’aano uu qofkasi qaato oo qaarkood ay noqdaan kuwo qalafsan.

Leave a Reply