Dadka Reer Saybeeriya Iyo Hindida Cas Cas Oo La Ogaadey Inuu Jiro Wax U Dhexeeyaa

0
564

khubaro saynisyahano ah oo u dhashay wadanka Ruush ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen ku cadeeyey inuu jiro farqi u dhexeeya dadka Hindida ah ee loo yaqaano Hindida Cas Cas (Red Indians) iyo dadka reer Siberia.
khubaradan oo ka socotay jaamacaddo ku yaala wadankaasi Ruushka ayaa waxa wehelinaayey khubaro kale oo u dhalatay wadamada Maraykanka iyo Czech Republic,kuwaas oo si wada jira usoo saaray natiijada daraasadan.
daraasadan natiijadeeda ayaa lagu sheegay inuu jiro dhaqano iyo dhalo ka dhaxaysa dadkaasi reer Siberia iyo kuwa reer Czech,waxaanay dhaqanadaasi ku tilmaameen kuwo ku salaysan ugaadhsiga oo ilaa maanta dadka la yaqaano ee qoomiyadahaasi kasoo kala jeedaa ay isticmaalaan.
unugyo hinde sideyaal ah oo ay khubaradaasi hab baadhiseed u qaadeen ayaa sidoo kale lagu ogaaday in ay isku mid yihiin,waxaana laga qaaday dad reer Siberia ah hindesideyaashaasi ,iyada oo sidoo kalena laga soo qaaday dadka kasoo jeeda qoomiyadda Hindida Cas Cas ee ku nool Koonfurta Maraykanka,gaar ahaana beesha loo yaqaano Eskimo .
sidoo kale khubaradan ayaa sheegay inay jirto luuqad midaysa oo loo yaqaano Yenisei,taas oo ah mid loogu magac daray wabi ku yaala wadanka Siberia,luuqadaasina ay tahay luuqada rasmiga ah ee dadka Red Indians ka ku nool waqooyiga qaaradda Amerika ay ku hadlaan,gaar ahaana qabilka loo yaqaano Navajo  oo laga helo New Mexico iyo Arizona.
qoomiyadan iyo dadka dalkaasi Siberia ayaa la sheegayaa inay waxyaalo badan wadaagaan,kuwaas oo la sheegay in ay qaarkood usoo haajireen qaaradda Yurub 5-6,000 oo sanno ka hor ama muddo laga joogo.
khubaradan ayaa daraasadooda kusoo gebo gebeeyey in ay jirto xigaalnimo ka dhaxaysa dadkaasi iyo qoomiyadaasi,taas oo ay ku samayn doonaan daraasad dheeraada,waxaanay sheegeen inay rumaysan yihiin in dadkaasi ay ahaayeen isku qoomiyad kala haajiray.

Leave a Reply