Farduhu Waxay Awoodaan Inay Dareenada Dadka Kala Gartaan

0
331

daraasad ay sameeyeen khubaro saynisyahano ah oo ka socday jaamacadda Sussex ee wadanka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in farduhu kala saari kaaraan hadba xaalada ay dadku ku sugan yihiin,gaar ahaana iyaga oo ka dheehanaaya wejiyada dadka iyo siday yihiin.
cilmibaadheyaashan ayaa daraasadan intii lagu jiray tijaabo ahaan u isticmaalaay 28 faras,kuwaas oo la hor dhigay ama la tusay sawiro waaweyn ,sawiraddan ayaa ahaa kuwo dad wejiyadooda lasoo sawiray,iyaga oo muujinaayey dareeno kala duwan ,waxaanay sheegeen khubaradani in hadba sawirka ay faraska tusaan uu sidiisa oo kale faraskaasina noqonaayey ama samaynaayey weji ahaan.
khubaradan ayaa sheegay in haddii sawirkaasi uu yahay mid cadho ka muqato uu faraskaasina noqonaayey mid cadhooda,halka haddii uu faraxsan yahay uu faraskaasina uu farxaayey.
khubaradan ayaa sheegay in farduhu awood u lee yihiin inay kala saari karaan hadba dareenka uu qofku ku sugan yahay waqtigaasi,kaas oo uu isna la dareemi karo kulana macaamilo hadba sida uu yahay.

Leave a Reply