Komishanka Doorashooyinka Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Sharciga la Horkeeno Koox Dabley Ah Oo Weerartay Goob Diiwaan-gelineed oo Ku Taalla Degmadda Lughaya

0
284

Hargeysa(Dawan)-Komishanka doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  shir jaraa’id oo ay xalay ku qabteen xaruntooda magaaladda Hargeysa, waxay ku baaqeen in sharciga la horkeeno koox dabley ah oo weerartay goob diiwaan-gelineed oo ku taalla jiida Sabo-wanaag ee gobolka Awdal.
Komishanka doorashooyinku waxay sheegeen inay kooxdaasi ay qaateen agabkii diiwaan-gelinta isla markaana ay waxyeelo u geysteen shaqaalihii goobtaas ummadda ugu adeegayay.“Goobtaas waxa soo weeraray niman hubaysan oo watay gaadiid, goobtaa diwaan-gelinta codbixiyeyaashu ka socotay waxay ka qaateen agabkii yaallay shaqaalihii goobtana waxyeelo ayay u gaysteen, waxaanu fal-dambiyeedkan ku war-gelinay dawladda oo iyaduna ku dabo jirta waxna ka qabatay fal-dambiyeedka nimankii geystayna badhna way haysaa, badhna way ku dabo jirtaa. Waxaanu idiinku yeedhnay (Saxaafadda) inaanu idinku war-gelino inay falkani ka dhacay deegaanka Sabo-wanaag,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ay qalab cusub goobtii la weeraray geeyeen,isla markaana ay sideedii u shaqeyn doonto.“Falkani markii uu dhacay waanu ka tabaabushaysanay, waxaanu u diyaarinay qalab cusub oo goobtii la geeyay. Waxaanu dadweynaha ku wargelinaynaa in goobtii ay sideedii u shaqeynayso oo labada maalmood ee hadhay ay sii shaqeyn doonto,”ayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan Warsame.
Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Komishan ahaan waxaanu cambaareynaynaa fal dambiyeed kasta oo loo geysto goobaha diiwaan-gelintu ka socoto iyo shaqaalaha sida hawl-karnimada ah u wada hawshaas qaran ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha. Waxaanu dawladda iyo shacbigaba ugu baaqaynaa in fal-dambiyeedkaas foosha xun nimankii geystay gacanta lagu soo dhigo.”
Cabdiqaadir Iimaan waxa uu dadweynaha gobolka Awdal ku bogaadiyay siday ugu diyaar garoobeen ee ay ugu soo baxeen diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo uu ku tilmaamay shaqo qaran oo muhiim ah.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply