Madaxweyne Siilaanyo Oo Dufcaddii Saddexaad Ee Saraakiisha Ciidanka Qaranka Tababar Ugu Soo Xidhay Darar-weyne

0
270

Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo),  ayaa   shalay tababar  u soo xidhay dufcadii saddexaad ee dhammaysatay  saraakiisha   ciidanka  qaranka oo  si xidhiidh ah koorsooyinka ugu qaatay Dugsiga Layliska Saraakiisha Cabdilaahi Askar oo ku yaalla Akaadamiyadda Ciidanka qaranka ee Dararweyne.
 
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu   xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hir galiyay Akaadamiyadda Ciidanka qaranka ee Dararweyne qeybaheeda kala duwan. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu  Ciidanka  qaranka u balan qaaday in mar kasta xukuumad ahaan ay garab taagan yihiin isla markaana wax kasta oo ay Xukuumaddu awoodo ay u qabanayso.
Waxaa kale oo uu madaxweynuhu  ku hambalyeeyay ciidanka qaranka horumarka aqooneed ee ay ku tallaabsadeen iyo mashaariicda ay ka hir geliyeen Akaadamiyadda Ciidanka Qaranka ee Dararweyne.
Xafladda saraakiisha tababarka loogu xidhayay oo ay ka soo qayb galeen maxadweyanaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo), wasiirrada gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami,  madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi taliyeyaasha ciidamada qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale, booliska Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta Xasan Cali Dheere, saraakiil iyo marti sharaf kale.
 
Waxaa  ugu horrayn  halkaa ka hadlay oo faah faahin ka bixiyay dugsiga layliga Saraakiisha iyo aqoonta ciidan ee  lagu barto Taliyaha Dugsiga Layliska Saraakiisha ee Cabdilaahi Askar, Gashaanle Sare Maxamed Cabdi Cali Shiine waxaanu  yidhi  “Mudane Madaxweyne waan kaaga mahadnaqaynaa inaad maanta(shalay) noo soo xidho dufcaddii  3-aad  oo saraakiil ah oo dhamaysatay  dugsiga Layliska saraakiisha ee Cabdilaahi Askar. Waxaanay  barteen aqoon Ciidanka qaranka iyo dalkaba wax u taraysa oo ka qayb qaadanaysa waajibaadka iyo hawlaha saraakiisha ciidanka qaranka looga baahan yahay,  dugsiguna wuxuu bixiyaa aqoontii saraakiisha ee aynu dibada u doonan jirnay.”
 
Intaa ka dib waxaa uu madaxweynuhu warbixin ka dhegaystay  taliyaha  ciidanka qaranka  sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale oo faah faahin ka bixiyay mashaariic horumarineed oo Ciidanka qaranku ka hir geliyay Akaadamiyadda  ciidanka qarank ee Dararweyne,  oo ay ka mid ahaayeen dhismaha kuliyadda  saraakiil-xigeenka ciidanka qaranka oo Harag-waafi.
Taliye  Shaqale iyo  Wasiir Cadami ayaa madaxweynaha uga mahad naqay sida uu ciidanka qaranka horumarkiisa uga shaqeeyay iyo qiimaha uu u yeelay ciidamada dalka oo dhan.
Madaxweynaha Somaliland oo kelmado  kooban oo dar-daaran iyo waano ah halkaa ka jeediyay, waxaannu yidhi   “Duco-qabayaal Farxad bay ii tahay in aan idinkala soo qeyb-galo munaasibadan qalin jebinta layliska Saraakiisha, waxaanan idin ku hambalyenayaa waxbarashada aad dhammaysateen maanta (shalay). Mar labaad hambalyo ayaan idin leeyahay waxqabadka kale ee ay ka mid yihiin dugsiga cusub ee saraakiil-xigeenadda loo dhisay. Waxaan idin leeyahay hambalyo  qaranka sida aad ugu adeegtaan, dedaalkana halkaa ka sii wada aniguna waxan idin la bar-bar taagannahay taageerro buuxda.” Ugu danbayna waxa uu  madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey tobankii  sarkaal ee ugu sareeyey saraakiishii dugsigaas ka soo baxay  kuwaasoo isugu jiray Xidigle ilaa dhamme (kabtan).
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply