Qiso: “ Lacagta Sadaqada Waxa Bixin Jiray Farshaxanka”

0
287

Wuxu ahaa farshaxan ku nool magaalo yar , dhamaan hawlaaha farshaxanka ee magaalda isaga ayaa qaban jiray , waxaa uu kaga iibin jiray qiime ay raali kaga ahaayeen. Maalin ayuu nin sabool ahi u yimi waxaana uu ku yidhi : “ Adigu waxaad ka shaqaysataa magaalada lacag badan , haddana dadkii saboolka ahaa waxba ma siinaysid! Miyaanad arag ninkan hilibaha ah ee wax badan haysan ee maalin kasta waslad hilib ah oo bilaash ah faqiirka siinaya?. Odaygii farshaxanka ahaa intuu dhoola cadeeyay ayaanu wax jawaab ah siin. Ninkii saboolka isagoo cadhaysan ayuu iskaga tegay waxaana uu magaalada ku faafiyay inuu ninkan farshaxanku yahay nin bakhayl ah oo aan waxba bixin. Muddo ayuu xanuunsaday odaygii farshaxanka ahaa, dadkii tuulada may siin wax muhimad ah xanuunkiisa umanay tegin iyagoo ka cadhaysan bakhaylnimadiisa. Ka dibna wuxuu u dhintay darxumadaasi.  Markii maalmo  laga joogay ayuu dadkii tuulada is weydiiyeen in aanu hilibluhu usoo dirin wasladii hilibka ahayd masaakiinta.. Waxaan loo tegay hilibkii oo la weydiiyay sababta uu ugu soo diri wayayay wasaladii hilibka ahyd masaakiinta waxaana uu ku jwabaay :” Odaygii Farshaxanka ahaa

Leave a Reply