Dumraka Ugu Qaalisan Dunida!

0
308

Deegaanka Sabu ee gobolka Manisor ee Hindiya ayaa ah kan ay ugu qaalisan yihiin dumarka dunida oo dhan. Deegaankan ayaa waajib kaga dhigay ninka gabadha uu guursanyo inuu sanad kasta bixiyo meherkeeda inta ay nooshahay oo dhan. Arinkaasi ayaa keenay in raga deegaankaasi aanay guursan Karin gabadh labaad.
Dalka Bariga Angola ayaa isna leh dhaqan yaab leh, kaasi oo ah haddii ninka ay gabadhiisu ku dhimato wakhktiga foosha inuu ninku magta gabadhaasi siiyo ehelkeeda, haddii aanu haysan xoolo uu iskaga bixiyana wuxu u noqonayaa adoon qoyska gabadha kaasi oo ay siday rabaan ugu shaqaystaan.
Bulshada ku dhaqan dalka Hindiya ee asalkoodu ka soo jeeda Shiinaha ayaa leh dhaqan aad u yaab badan kaasi oo ah in meel banaan oo la isugu soo baxo ay gabadhu ninkeeda ku garaacayso dadka hortooda. Waxaana ay la dhacaysaa ul iyo xataa dhagxan dhabarkiisa iyo madaxiisa. Waxaana la eegayaa sida uu ninkaasi ugu adkaysto garaaca gabadhiisa. Ninkii uu adkaysan waaya waxa looga yaqaan deegaankiisa fulay. Deegaanka ayuu ku noolaanaya isagoo xaqiran oo dulaysan.

Leave a Reply