Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabadda 18-ka May Ee UK Oo La Magacaabay

0
347

London (Dawan): Safiirka Somaliland ee magaaladda London Cali Aadam Cawaale, ayaa shalay u  magacaabay Maxamed Cumar Maygaag   gudoomiyaha qaban-qaabadda ee xuska 25-guuradda munaasibadda qaran ee 18-ka ee dalka Britain.
 
Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo uu shalay soo saaray  danjire Cali Aadan, kaasi oo nuqul ka mid ah soo gaadhay wargeyska DAWAN, qoraalkaasina wuxuu u dhignaa sidan:-
 
“Waxa ii farxad ah in aan bulshada reer Somaliland ee deggen dalkan UK si xishmad leh ugu war geliyo in sannad guurada 25-aad ee la soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland sannadkan dunida oo dhan looga xusi doono si ballaadhan.Sidaa awgeed waxa hawsha sannadkan loo magacaabay oo hormood ka noqon doona Insha Allah Aqoon-yahan Maxamed Cumar Maygaag oo waaya-aragnimo badan u leh agaasinka hawlaha noocan ah.Haddaba, waxaanu axsaabta, ururrada iyo bulshadeenna guud ahaan ka codsanaynaa in si buuxda hawshaa baaxadda leh loogu garab galo Maxamed oo mar walba hagar la’aan dalkeenna ugu adeega.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply