“Muddo Bil Ah May Maydhin Jidhkooda”

0
333

Wargeyska Time ee Maraykanka ayaa daabacay in gabadha jilaaga ahayd ee Marlin Hier oo aad loo jecelaa ay isku deayday inay kor u qaado niyadda ciidamada Maraykanka ka hor intii aanay u bixin dagaalkii labaad. Sida wargeysku qoray Marlin ayaa booqasho ku tagtay xarunta ciidamada ee Californaiya sanadkii 1942, iyadoo markaasi doonayso inay dhunkato 10,000 askari oo halkaasi ku sugnaa si niyadooda ay kor ugu qaado, una muujiso saadaal wanaagsan.  Wakhtigaaasi wax goobta joogay oo keliya 733 Askari, dhamaantoodna way wada dhunkatay.
Waxa kale oo yaab ahayd in Marlin maalintaasi xerada ay ka qaaday heeso askarta xaamasad geliyay. Markii xerada ka tagtayna askartaasi ayaa la sheegay in aanay muddo bil ah maydhan si ay u ilaaliyaan dhunkashadii gabadha jilaaga ah ee ay jeclaayeen.
Laakiin nasiib daro markii xerada ay yimaadeen 9267 askari ayay aad u cadhoodeen iyagoo colaad u qaaday Askarta ay dhunkatay Gabadha jilaaga ah ee laga daba dhacay. Marlin ayaa wakhtigaasi ka faa’iidaysaty  oo kasbatay sumcad weyn markii Idaacadda barnaamijka happy boys ay askartii hadhay niyadda ugu dhistay, oo halkaasi uga gudbisay wixii ay tebanayeen.
Wargeyska ayaa sheegay inay gabadhaasi sidaasi ku noqotay jilaaga ugu caansan Maraykanka looguna jecel yahay iyadoo da’deedu ahayd 18 sano. Waxaana la sheegay inay dhaafatay wakhtigaasi jilaayaal badan.

Leave a Reply