Sarifka Doolar-ka Waxa Saameyn Ku Leh Maceeshaddan Aan Waxba Iska Bedalin Ee Halkeedii Taagan

0
314

Hargaysa (Dawan):   Guddoomiyaha ururka sarifleyaasha  magaaladda Hargaysa C/laahi Cali Barre,  ayaa sheegay in hoos u dhaca sarifka lacagaha ay caqabado ka haystaan maceeshadda daruuriga ah oo aan illaa hadda waxba iska bedalin. Waxaanu ku dooday in hoos u dhaca sarifka doolarku aanu ka maarmaynin in badeecadaha daruuriga ahina la jabaan.
Waxaanu tilmaamay gudoomiyuhu in  kadib markii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhawaaqay  in la jabiyo qiimaha sarifka dolarka  in uu hoos u dhacay qiimaha sarifka dolarku, hase yeeshee  uu haddana mar kale kor u kacay maalmihii la soo dhaafay.
 
“Madaxweynuhu waa kii go’aamiyay  ee yidhi lix boqol ha lagu iibiyo boqolka doolar, dabadeed-na  boqolka dollar ayuun baa hoos u dhacay ee badeecadihii kale  wax hoos u dhacay ma jiraan. Innagu dal ahaan  lacagta doolarka ma lihin, ee waxaynu leenahay shillinka Somaliland, markaa waxa uu madaxweynuhu u danaynayaa in shillinka Somaliland uu qiimo yeesho,”ayuu yidhi C/laahi Cali Barre Guddoomiyaha ururka sarifleyaasha  magaaladda Hargaysa oo shalay u waramayay Horn Cable TV.
 
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Maalimihii uu madaxweynuhu ka hadlay  in hoos loo dhigo sarifka doolarka  illaa 8000 shillin ayuu ahaa, daadeedna wuu ka soo noqday oo wuxuu gaadhay illaa 6500 shillin. Haddana imika kor ayuu u kocay, taana waxaa keenaya  badeecadihii oo raaci waayay iyo doolarka oo kollayba innaga innagu yar. Saaka    (shalay), doolarka qiimihiisu wuxuu marayaa  gacanta hore 7100  Sl Sh, halka  gacanta dambena lagu kala sarifanayo 7200 oo shilin.”
 
Dhinaca kale, ganacsatadda suuqyadda magaaladda Hargaysa ayaa iyaguna cabasho ka muujiyay  qiimaha sarifka doolarka  haddana mar kale  qaaliyoobay iyo sidoo kale  qiimihii maciishadda oo weli halkiisii taagan.  Iyadoo  aanay illaa hadda wax tallaabo ah qiime bararka maceeshadda wax lagaga qabanayo aanay qaadin Guddidii uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) madaxda u ahaa ee madaxweynuhu hore ugu saaray mawduucan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply