Shaaha Sinjibiisha Lihi Wuxu Dawo U Yahay Dhiig Karta Oo Kaca

0
457

khubarada Caafimaadka ee caalamiga ah ayaa daraasad ay soo saareen ku sheegay in shaaha sinjibiisha lihi uu daweeyo dhiig karta,gaar ahaana mararka uu qofka ku kaco.
daraasadan oo dhowaan natiijadeeda lasoo saaray ayaa lagu sheegay in xanuunkaasi dhiig kartu uu noqday dhibaatada ugu badan ee ay dadka caalamka ku kala nooli ka cawdaan,taas oo ay dhaliso noloshan cusub ee waqtigan ama dunidan casriga ah iyo sidoo kalena nafaqo xumada.
cilmibaadheyaashan ayaa sheegay in cuntada milixda leh ,cuntooyinka fudud iyo cuntooyinka ay ku badan tahay macaanku ay yihin kuwa sababa dhiig kartaasi,sidoo kalena cuntooyinkaas ayay ku tilmaameen kuwo keeni kara xanuuno wadne Xanuunku kamid yahay,faaligu ka mid yahay sidoo kalena xididada dhiiga oo qaarkood khal khalaan kamid tahay.
iyada oo lasoo saaray dawooyin badan oo lagu dejiyo dhiig karku marka uu kaco,haddana khubaradani waxay ku taliyeen in geedka Sinjibiisha la yidhaahdaa yahay waxa ugu fiican ee lagu dejin karo dhiigaasi kacay,iyaga oo intaasi ku daray talo ah in maalintii uu qofka dhiig karka lihi cabo koob shaaha oo sinjibiil leh .
culimadan ayaa cadeeyey inuu samayn kale lee yahay shaahaasi,isaga oo siday sheegeen waxyeelo u keena xididada dhiiga ,sidoo kalena ka lumiya awoodooda caadiga ah,waxa kale oo ay sheegeen in uu dejiyo geedkaasi dhiig karka,isaga oo dhanka kalena ka hor taga xanuuno wadne xanuunku kamid yahay.
waxaanay natiijada daraasadan kooxdaasi oo dhakhaatiir u badnayd kusoo gunaanadeen in aanay u wanaagsanayn qofka inuu waqtiyo maalintaasi ka badan isticmaalo geedkaasi ee loo baahan yahay in maalintii uu hal mar oo keliya isticmaalo.
 

Leave a Reply