“Xisbul-xaakimka Iyo Xukuumadu Waxay Dadka Ku Kasbanayaan Wixii Ay Qabteen” Cismaan Hindi

0
336

Hargaysa (Dawan):  Siyaasiga Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan-Hindi), oo hore uga tirsanaa xisbigii bur-buray ee UDUB   ayaa sheegay in doorashooyinku culays ku hayaan dalka, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in la soo koobo doorashooyinka faraha badan ee dhawrkii sannadoodba mar la gelayo.
Cismaan Hindi oo Telefishanka Universal ugu waramayay magaaladda London ee dalka Ingiriiska oo uu ku sugan yahay ayaa waxa uu tilmaamay in dalku aanu qaadi Karin in mar walba doorasho laga qabto, isla markaana loo baahanyahay in mar la wada qabto doorashooyinka kala duwan ee Somaliland.
Cismaan Hindi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Doorashadani ma  aha tii ugu horaysay ee Somaliland gasho, wadankuna ma qaadi karayo.  Waxan  oo doorasho ah in mar walba la qabto,  wadamada aduunyada  ugu waaweyn, ee dhaqaalaha leh ayaa soo kooba doorashooyinkooda,  doorashooyinkuna culays ayay Somaliland ku  hayaan, waa doorashada golaha wakiilada madaxtooyadda iyo dawlada hoose, imikana waxa isa saaran labo doorasho oo kala ah ta madaxtooyada iyo golaha  Wakiiladda  sababta la isku saarayna waxa weeyi   in la  yareeyo culayska ay waddanka ku hayaan ee siyaasadeed ee dhaqaale”.
Cismaan Hindi, waxa kale oo  uu sheegay in xisbiga talada haya ee KULMIYE  uu dadka ku kasbanayo wixii uu qabtay  bulshadda  hase yeeshee xisbiyadda mucaaradku aanay soo bandhigin barnaamij umaddu ku qanacdo.    “Xukuumadda iyo xisbul-xaakimku waxay  dadka  ku   kasbanayaan wixii ay qabteen ee ay balanqaadeen ee ay fuliyeen, umaddana uu balanqaadeen.
Xisbiyad mucaaradkuna way jiraan wax meelahaa ay ka akhriyaan laakiin 90% (boqolkiiba sagaashan),  ummadda reer Somaliland wax  barnaamijkooda  arkay ma  jiraan, iyo waxa u qoran,”  ayuu yidhi Cismaan Hindi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply