Markii walaalkeed lagu soo eedeeyay inuu dil geystay, isla markaana maxkamadii ku xukuntay xabsi daa’in ayay goosatay inay barato aqoonta qaanuunka. Petty Wortez oo ahayd ninka xabsi daa’inka lagu xukumay ee Keini Wortez walaashiis ayaa arinkaasi ku dhaqaaqday markii ay qoyskoodu u arkeen in kiiska wiilkood lagu qaaday uu yahay mid been ah oo la soo sameeyay.
Muddo 13 ah ayay waday aqoontaasi barashadeeda ilaa ay ka gaadhay PHD. Markii ay dhamaysay ayay kiiskii bilwaday iyadoo maxakamada u gudbisay in kiiskaasi la furo oo soo bandhigaty cadaymo ku filan in dib loogu furi karo. Maxkamada aya ku qanacaday dib u furisita kiiskaai markii ay 5 sano waday waxay ku guulaysatay in walaalkeedii kiiski lagu xidhay uu ahaa been ah dulmi ku dhisan sidaas darteedna maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo Keini Wortez.