Qaxootiga Yurub oo Tiro batay

0
317

Hayadda caalamiga ee dadka waddamadooda ka dhoofa ee IOM, ayaa sheegtay in in ka badan boqol kun oo qaxooti ay Yurub imaadeen iyagoo soo maraya badda sanadkan. Tiradan ayaa ah toban jibaar tiradii sanadkii hore.
Inta badan 102,000 ee qof ayaa yimid Gariiga, iyagoo ka yimid waddamo dagaal ka socdo sida Suuriya, Ciraaq, Libya iyo Afghanistan.
Dadka intooda badan ayaa hadda u badan dumar iyo carruur.
IOM ayaa sheegtay in in ka badan afar boqol oo qof la xaqiijiyay inay dhinteen ama ku maqan yihiin badda sanadkan gudahiiisa.
Hayadda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa muujisay walaac hadii xuduudaha la xidho inay keeni doonto jaha wareer.
 

Leave a Reply