Waxa u suurtgashay Jemy Broak oo u dhashay dalka Ingriiska inuu dhimo 100 kg miisaankiisa xad dhaafka ah. Wiilkan 31 jir ah ayaa miisaankiisu gaadhay 230 kg. Jemy oo ka shaqayn jiray mid ka mid ah huteelada cuntada muddo 15 sano ayaa gaadhay miisaan xad dhaaf ah, taasi oo keentay in laga eryo shaqadiisa iyagoo loo sheegay inay macmiishu karaahiyaysatay culayskiisa isla markaana way wakhti ka qaadatay daawashadiisa.
Shaqadan cusub aya keentay in miisaankiisu hoos aad ugu dhaco ka dib markii uu socod badan galo. Waxaana uu yidhi “ Waan ku faraxsanahay, waayo waxay igu haysay dhib badan baruurtan xad dhaafka ahi xata waxa la iigu bixiyay magacyo aanan jeclaysan qaarkood sida “Buurane”, Tareenka, Foosto iwm, iyo weliba iyadoo shaqadii la iga eryay.