Caajisku Wuxuu Dhibaato Soo Gaadhsiiyaa Maskaxda Qeybo Ka mida

0
276

Khubaro dhanka caafimaadka ah oo dhowaan daraasad samaysay ayaa sheegtay in ay ogaadeen in caajisku waxyeelo balaadhan u geysto qaybo kamid ah maskaxda,iyada oo markii hore la doonaayey in daraasad lagu sameeyo xidhiidhka ka dhexeeya waxyaalaha guud ee la qabto iyo sidoo kalena maskaxda baaxadeeda,waxaana daraasadan ka qayb qaatay dhalinyaro tiro badan oo ilaa 1500 gaadhaysa,kuwaas oo da’ahaan gaadhaayey 20 sanno.
Culimada daraasadan waday oo ka socotay jaamacadda Boston University ee wadanka Maraykanka ayaa sheegay in caajisnimada iyo jidhka oo aan laga shaqaysiini inay dhibaato u geystaan maskaxda bani’aadmiga,taas oo xanuuno horseedi karta marka dambe.
Khubaradani may cadayn sababo la odhan karo waa kuwa sababaaya in maskaxdu xanuunsato marka qofku caajis noqdo,laakiin waxay cadeeyeen in qaybo shaqaynaayey oo maskaxda kamid ahi in ay shaqadoodii gabayaan,halka kuwo kalena ay khal khal gelayaan ,taas oo ah ta keenaysa in ay maskaxda qaybo kamid ahi shaqada joojiyaan.
Culimadan ayaa sheegay inay daraasadan sii wadayaan,iyaga oo natiijada rasmiga ah soo saari doona dhowaan markay soo gunaanadaan darasadan.
 
 
 
 

Leave a Reply