Doorashada Guud ee Iiraan oo si aad ah loogu soo Baxay

0
286

Iiraaaniyiinta oo codkooda dhiibanaya ayaa tiraba laba jeer la kordhiyay iyada oo ay dadku soo buuxdhaafiyeen gaabaha codeynta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashooyinkii ugu hooreeyey ee qaran ee dalkaas ka dhaca tan iyo sanaddii tagtay, markii la saxiixay heshiiska nuclear-ka ee Iran ay la gashay quwadaha adduunka, islamarkaana la qaaday cunaqabateyntii.
 
Ku dhawaadi 55 milyan oo qof oo Iraaniyiin ah ayaa u diiwaan gashan inay u codeeyaan baarlamanka oo ka kooban 290-ka kursi oo ay  muxaafidiinta ay ku xoogan yihiin iyo golaha khubarada qaranka oo ka kooban 88 xubnood. Golaha khubarada ayaa magacaaba  hoggaamiyaha sare ee ruuxiga ah.
Golaha Khuburada ayaa waxa ay dusha kala socdaan shaqooyinka hoggaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei, oo ah ninka leh go’aanka ugu dambeeya ee siyaasadda arrimaha dibedda Iran.
Inkasta oo Iiraaniyiinta ay u codeeyaan sharci dejiyayaal, haddana natiijada codbixinta ayaa loo arkaa inay ka ra’yi bixin doonto heerka ay la egtahay taageerada heshiiska Nuclear-ka, iyo siyaasadda madaxweyne Hassan Rouhani.
Rouhani ayaa waxa uu sanadka dambe geli doonaa doorasho uu doonayo in dib loogu doorto, waxaana la leeyahay  natiijada ka soo baxda doorashadan ayay ka muuqan doontaa rajadiisu.

Leave a Reply