Odaygan oo da’da sideetanka ahi wuxu quraacda afka ugu guraya islaantiisa oo ku jirta xarun lagu xanaaneeyo dadka da’da ah ee xanuunsada. Markiii uu sawir qaaduhu weydiiyay sababta keentay in islaantiisa xaruntan xanaanada dadka waaweyn la keeno, wuxu ku jawaabay: “ halkan muddo ayay ku jirtay ka dib markii uu ku dhacay xanuunka waxyeelo u geysta xusuusta maskaxda, taasi oo keentay in aanay qofna garan. Sawir qaadaha ayaa mar kale weydiiyay : “Oo haddii aad ka daahdo miyay ku dareemaysaa?
Odayga ayaa ku jawaabay “Maya ma garanayso xataa anigu qofka aan ahay”. Sidaasi ayay ahayd muddo shan sano ah , aniguna sidaasi ayaan cuntada afka ugu guraa shantaasi sanadood”. Sawir qaadaha ayaa ku celiyay : “Oo ma sidan ayaad usoo kalahaysay shantaasi sanadood iyadoon weliba ku garanayn? Odayga : “ ayaa yidhi haa, isagoo qosalya, oo u raaciyay sawirqaadaha… Iyadu ima garanayso qofka aan ahay.. laakiin aniga ayaa garanaya qofka ay tahay!. Sidaasi ayay dad badan u ilaaliyaan xuquuqda ay isku leeyihiin.