Qabriyo Islaamku Lahaa Oo Laga Helay Yurubta Galbeed Markii Ugu Horeysay

0
322

Waxa markii ugu horeysay qaaradda Yurub galbeedkeeda laga helay xabaalo ay ku aasnaayeen dad Muslimiin ah ,kuwaas oo halkaasi lagu aasay waqtiyo aad u horeeyey,sida lagu sheegay daraasad lafahaasi iyo xabaalahaasi lagu sameeyey.
Xabaalahan ayaa ku yaala wadaka Farasiiska oo ah wadan ay qaybo kamid ah maamulayeen waqti dheer dawladihii Muslimiinta ee ugu dambeeyey,kuwaas oo dagaalo ku qabsaday dhulkaasi iyo dhulal kale oo badan oo kamid ah qaaradda Yurub.
Khubarada daraasadan waday ayaa sheegay inay magaalada Nimes oo ku taala koonfurta Faransiiska ka heleen saddex xabaalood,kuwaas oo ay ku aasnaayeen dad Muslim ah,waxaana halkaasi dadkaasi lagu aasay qarnigii sideedaad.
Baadhitaan ay koodan baadheyaasha ahi sameeyeen ayay ku sheegeen in ay ogaadeen jinsiga uu yahay dadka xabaalahaasi ku aasan iyo weliba da’dooda intaba,waxaanay sheegeen in madaxa dadkaasi u jeedo dhinaca magaalada Macca (Makka),waxay sidoo kale sheegeen in dadkaasi ay kazoo jeedaan waqooyiga Afrika intooda badani.
Khubaradan ayaa intaasi ku daray in dadkani laga helay xabaalahooda Nimes magaalada lagu magcaabo ay yihiin kuwo Barbariyiin ah oo la shaqayn jiray khilaafadii Umawiyiinta ee ka talin jirtay Dimishiq sannadkii 661-kii.
Waxa kale oo lafo kuwaas oo kale ah laga helay magaalada Ni moo iyaduna 36 km u jirta badda Mediterranean ka ,taas oo ku waqooyi ka xigta baddaasi,waxaana laga helay xabaalo lagu aasay sida la sheegay 121 BC ,iyada oo ay hadda ku nool yihiin dad gaadhaaya ilaa130,000 oo qof,kuwaas oo Carab u badan,waxaanay qarnigii 17-naad ka yimaadeen Barriga dhexe iyo Afrika.

Leave a Reply