Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya Oo Maanta Shaacinaya Nuqulka Heshiis Iskaashi Oo Labada Dal Dhawaan Ku Kala Saxeexan Doonaan Addis-ababa

0
373

Hargeysa(Dawan):-Heshiisyo iskaashi ay ka mid yihiin dhinacyadda ganacsiga, korontada, bilowga khad tareen, wadooyinka, waxbarashada, ammaanka iyo dhinaca duulimaadyada ayaa la filayaa inay maanta wadamada Somaliland iyo Itoobiya wada jir u shaaciyaan qoddobadiisa.kaasi oo dhawaan lagu saxeexi doono magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
 
Kulankii afaraad ee guddiyada wada-xaajoodka dalalka  Somaliland iyo Itoobiya oo muddo saddex maalmood shirar uga socdeen Hargeysa, ujeedadiisuna ahayd sii xoojinta iyo balaadhinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada wadan oo mudooyin faro badan soo taxnaa, isla markaana hore heshiisyo la xidhiidha u dhex mareen ayaa la filayaa in kulanka maanta iskaashigan la isku dubo rido nuqulkiisa.
Diyaarinta qoddobada wada xaajoodka wadamada Itoobiya iyo Somaliland oo ku jiraan dhinacyo kala duwan, sida kobcinta aqoonta iyo qalabka ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo kor-u-qaadida aqoonta shaqaalaha dawladda ayaa muddo saddex maalmood booqasho ugu yimaadeen dalka wefti heer sare ah oo ka socda dalka Itoobiya.
Heshiisyadan oo ah noocyada wadamadda dunidu kala saxeexdaan ee loo yaqaan (bilateral) ayay soo naaqisheen masuuliyiin  ka kala socota Somaliland iyo Itoobiya ayaa si weyn diirada loogu saaray adkaynta  wax wada qabsiga iyo nabadgelyada labada wadan.
Gebagebada heshiisyadan oo guddiyo farsamo oo labada wadan metelayaa soo diyaariyeen , ayaa lagu kala saxeexan doonaa magaaladda Addis ababa oo ay labada dal u kala saxeexi doonaan Wasiirro.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply