Kudka Geela Ku Dhaca Khatartiisa iyo Sida Looga Gaashaaman Karo

0
1378

Cudurka Kudka Geela ku dhaca ayaa ah mid aad u khatar ah oo halis ku ah Geela isla  markaana dadku ay ka qaadaan oo uu u gudbin karo.
Kudka Geela ku dhaca ayaa ah mid marka uu neefka ku dhoco dhakhso u dila haaba waxaa loo baahan yahay in marka lagu arko neefka geela ah calaamadaha lagu garto Kudka Geela ku dhaca in baadhiaan lagu sameeyo isla markaana deg deg looga daweeyo  iyadoo neefka uu ku dhacayna laga dhex saarayo xoolaha.
Waxaana lagama maarmaan u ah dawaynta neefka geelaha ee uu kudku ku dhacay in si deg deg ah loogu sameeyo baadhitaan iyo dawayn rasmi ah oo lagaga dawaynayo cudurka Kudka.
Calaamadaha ugu badan ee lagu garto cudurka Kudka Geela ku dhaca ayaa ah neefka oo uu a soo boxo  finwayn oo madaxa ka soo baxa iyo kulayl xad dhaaf ah oo madaxa ah iyo waliba neefka oo kici waaya ama aan samayn wax dhaq dhaqaaq ah iyo calaamado kale oo badan,taasina waxay u baahantahay marka neefka calaamadahaa lagu arko in baadhitaan deg deg ah lagu sameeyo oo shaybaadh lagu sameeyo isla markaana dhiigag iyo dheecano laga qaado laakiin laguma sar jari karo in cudrka neefka geela aha hayaa uu kud yahay calaamadaha ka muuqda oo kaliya sababtoo ah waxaa jira sida ay dhakhaatiirka Xooluhu caddeeyeen cuduro ama  xanuuno kale oo ay isku dhawaan karaan dhanka calaamadaha.
Haddana waxaa habboon in aan lagu go,aan qaadan calaamadaha oo kaliya isla markaana lagu sameeyo neefka geelaha baadhitaan buuxa si loo ogaado cudurka haya taasoo saamixi karta in neefka laga daweeyo cudurka soo ritay laakiin haddii aan la baadhin ama la sahashado waxaa dhici karta in uu geela oo dhan wada qaadsiiyo isla markaana cudurku ku faafo dhamaan xoolaha isku xerada ku jira una sii gudbiyaan geelasha ay hul daaqsimeedka isugu yimaadaan.
Haddii neefka geela ah ay caddaato in cudurka ku dhacay uu kud yahay isla markaana laga dawayn kari waayo oo uu u dhinto waxay dhakhaatiirtu ka digayaan cunista hilibkiisa  waxaa kale oo ay ka digayaan in neefka inta la bireeyo la gawraco oo dhiigiisu dhulka ku dhaco oo uu sidaa ku noqdo dhiiga neefku mid gudbin kara cudurkii kudka oo xolaha iyo dadkaba  halis galin kara.
Waxay dhakhaatiirta xooluhu ku talinayan in neefka Geela ah ee uu ku dhacay Cudurka Kudka  ee u dhinta aan la qalin isla markaana aan a gawracin laakiin la aaso oo dhulka lagu duugo si aan cudurku u faafin taasoo sabab u ah xakamaynta cudurka Kudka ee Geela ku dhaca lagagna hor tegayo in  cudurku ku fido deegaanka iyo dadka iyo xoolaha kaleba.
Hadaba mar kasta oo Geelaaga aad uga shakido in neef ka mid ah uu ku dhacay cudurka Kudku waxaa kugu waajib ah in aad si deg deg ah ula xidhiidho Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo aad hore u baadho neefka aad cudurka uga shakiday adoo tallaabada ugu horraysa ee aad qaadaysaana ay tahay in aad neefka bukaanka ah aad ka saarto xerada ay xoolaha kale kyu jiraan  si aanu u sadhayn.
Intaa ka dibna waa in aad toos ula xishiidho Wasaaradda Nannaanada Xoolaha si ay baadhitaan rasmi ah ugu sameeyaan neefka bukaanka ah.
 

Leave a Reply