Wasiirka Ganacsiga Oo La Kulmay Ganacsato Shiine Ah Oo Booqasho Ku Jooga Somaliland

0
332

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ganacsato ah oo ka socday dalka Shiinaha oo maalmihii ugu dambeeyay socdaal shaqo ku joogay Somaliland.
Weftigan waxa weheliyay Safiirka Somaliland u qaabilsan Shiinaha Maxamuud Cabdi Saleebaan (Mingiste) iyo Guddoomiyaha jaaliaydda Somaliland ee ku dhaqan wadanka Shiinaha.
Weftigaa oo ka koobnaa Ganacsato iyo Maal-gashadayaal ka socday dal weynaha Shiinaha oo uu hogaaminayey Safiirka Somaliland u fadhiya dalka China Ambassador Abdi Mohamud Saleebaan iyo gudoomiyaha  Jaaliyadda Somaliland ee Shiinaha ku nool.
Wasiirka ganacsiga iyo maal-gashiga  Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), ayaa weftigan  warbixin faah-faahsan  ka siiyey in ummadda reer  Somaliland ay yihiin bulsho caan ku ah  xagga ganacsiga isla markaana ay  xidhiidhiidh ganacsi oo soo jireen ah la lahaayeen dalka Shiinaha.
Wasiirku waxa kale oo uu weftiga uga warramay goobta isaeraatijiga ah ee ay Somaliland ku taalo taasoo ah marrinka ugu muhiimsan ee uu maro ganacsiga caalamku. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka warramay fursadaha ganacsi ee dalka ka jira iyo  khayraadka dabiiciga ah ee dalka ceegaaga una baahan in la Maal-gashigashado.
Wasiir Xuseen Deyr wuxuu ka warramay heerarka ay JSL soo martay iyo caqabadaha ay ka soo gudubtay iyo sida ay Somaliland haatan diyaarka ugu tahay uguna  baahan tahay xidhiidh ganacsi iyo mid Maalgashiba.Waxa iyaguna dhinacooda muujiyey inay si weyn u danaynayaan inay  helaan fursado iyo  xaalado ay shirkadaha ay wakiilka ka yihiin dalka ku sameeyaan Maalgashi dhinacyo badan leh. Kulankan  ayaa ku soo beegmaya wakhti ay dalka Somaliland ku sugan yihiin wefti balaadhan oo Arrimaha isu socodka ganacsiga, nabadgelyada iyo xidhiidhka labada dal uu   ku  dhex maray madaxda Wasaaradda Ganacsiga, iyo Maalgashiga caalamiga ah oo ay si wada jira Sabtidii u dhagax dhigeen xubnaha weftiga, Maamulka dekeda Berbera, iyo Wasiirka Wasaaradu taas oo laga hagi doono ganacsiga labada dal ee Somaliland iyo itoobiya ay ka wada hadleen.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply