Xildhibaan Cartan Oo Golaha Wakiillada Ku Eedeeyay In Ay Carqalad Ku Yihiin Qabsoomidda Doorashooyinka

0
373

Hargeysa (Dawan):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland,  ayaa ku ee deeyay mudanayaasha golahaasi in ay carqaladaynayaan qabsoomidda Dooorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada ee la filayo in ay dalka ka dhacaan Sannadka 2017.
 
Xildhibaan Cartan oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu sheegay in aanay suuro-gal ahayn in wakhti xaadirkan  la sameeyo saami-qeybsiga kuraasta golaha wakiillada, waxaanu tilmaamay in mudanayaasha golaha wakiiladdu ay ku fashilmeen in ay dejiyaan qorshaha saami-qeybsiga kuraasta golaha wakiilda.
Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Golaha wakiilladu toban sanno ayuu joogay, laba  muddo xileedna kuraasta ayay  ku fadhiyeen, wixii ay laba muddo xileed ku samaynwaayeen in maalinta ay doorashooyinku soo dhawaadan laga hadlo saami qeybsiga kuraasta golaha wakiilada, waxa ay ku tusaysaa in golaha wakiiladu ay carqaladaynayaan in doorashooyinka golaha wakiilada iyo madaxtooyada dalka ka dhacaan.”
“Haddii aanu ku fashilanay in  aanu samayno saami-qaybsigii kuraasta golaha wakiiladda tobankii sanno ee aanu kuraasta ku fadhinay, maanta oo wakhtigii naga gabaabsi yahay khalad weeye in laga hadlo saami qeysiga, saami qeybsiga kuraasta golaha wakiilada waa loo baahan yahay laakiin xildhibaanada la soo doorto sannadka 2017 wixii ka dambeeya ayaa ka hadli kara saami qeybsiga, maaha in ay ka hadlaan xildhibaanada muddo xileedku ka dhammaaday markaa waxa muuqata in golaha wakiiladu ay caqabad ku yihiin in doorashooyinku qabsoomaan,”ayuu ku dooday Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan.
 
 
Xildhibaanku waxa uu meel ka dhac ku tilmaamay hadallo ka soo yeedhay xildhibaan Rayte oo si qaawan u weeraray madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Madaxweynaha waa in loo mahad-naqo waana gar-darro in layska maago madaxweynuhu si sharaf leh oo odaytinimo ah ayuu muujiyay, maadaama oo aanu mar labaad isa soo sharaxin, waxaana uu muujiyay in uu dalka lex-jeclo ka leeyahay, markaa ninka madaxweynaha wax ka sheegayaa ma waxa uu ku hadlo ayuu garanwaayay, doorashooyin ayaa ina sugayee  aynu ka shaqayno sidii doorashooyinku dalka uga dhici-lahaayeen haddii ay tahay komishanka doorashooiyinka iyo xisbiyadaba,’’ayuu yidhi xildhibaan Cartan.
 
Xildhibaan Cartan waxa kale uu sheegay in xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE  wada hadalo la wadaan siyaasiyiintii ka cadhooday shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “Dadku waa is khilaafi karaa oo waa la is qaban karaa. Way jiraan rag KULMIYE  ahaa oo xisbiga ka duday, xisbiga KULMIYE  iyo xukuumaddu wado-hadalo ayay la wadaan ragii xisbiga  ahaa, sidaa lagaga hadhi maayo, waana laga shaqaynayaa sidii xisbiga ay uga sii mid noqon laahaayeen cidna lagama maarmo waana rag loo baahan yahay,  sharaf ayay lahaayeen, markaa wada hadalku waa socdaa waxaana ay ila tahay in ay xisbigoodii ka sii mid ahaan doonaaan rag badan oo ka mid ah siyaasiyiintii ka cadhooday shirkii KULMIYE.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply