Hillary Clinton iyo Trump oo Gobollo Badan Ku Guuleystay

0
618

Hillary Clinton oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga iyo Donald Trump oo ka tirsan Jamhuuriga, ayaa sii xoojistay rajadooda ah inay noqdaan musharaxiinta xibsiyadooda u matalaya doorashada madaxtnimada Mareykanka.
Labadan musharax ayaa guulo waa weyn ka gaaray doorashadii shalay ka dhacday Mareykanka ee “Super Tuesday”, ayaga oo ku guuleysatay gobollo badan.
Clinton ayaa waxa ay ku guuleysatay doorashooyinkii ka dhacay gobollada Tennessee, Alabama, Georgia, Arkansas, Virginia, Texas iyo Massachusetts. Bernie Sanders oo ah musharax la loolmayey ayaa ku guuleysatay gobollada Vermont, Oklahoma, Minnesota, iyo Colorado.
Dhinaca xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa guulo kala hoyday gobollada Arkansas, Georgia, Alabama, Tennessee, Virginia, Vermont iyo Massachusetts.
Sidoo kale Senator Ted Cruz, ayaa ku guuleysatay gobolka laga soo doorto ee Texas iyo sidoo kale gobollada Oklahoma iyo Alaska. Senator-ka laga soo doorto gobolka Florida, Marco Rubio, ayaa isna gobolkii ugu horeeyey ku guuleystay, kadib markii uu kusoo baxay doorashadii gobolka Minnesota.
 
Hillary Clinton oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga iyo Donald Trump oo ka tirsan xisbiga Republiga, ayaa ku guulaystay gobolada intooda badan maalintii ugu waynayd ee loo tartamayay musharaxnimada madaxweynenimada Maraykanka.
Mr Trump ayaa ku guulaystay toddobo gobol, halka Ted Cruz oo la tartamayay uu ku guulaystay saddex gobol.
Marco Rubio oo galay kaalinta saddexaad ayaa ku guulaystay hal gobol.
Isagoo ka hadlaya gurigiisa oo ku yaala Texas, Mr Cruz ayaa sheegay inay tartanka ka baxaan musharaxyada kale ee Republiga, oo ay ku soo biiraan isaga si loola tartamo Donald Trump.
Bernie Sanders ayaa ku guulaystay afar gobol.
 
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here