Maamulka Buuhoodle Oo Deeq Agab Ciyaareed Ku Wareejiyey Dhalinyarrada Widh-widh

0
447

Widh-widh(Dawan)- Gudoomiye-xigeenka Gobolka Buuhoodle, Mr. Jaamac Dheeg Cartan, ayaa shalay deeq qalab isboorti ah gudoon siiyey qaar ka tirsan kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan magaalada Widh-widh.
Munaasibada wareejinta qalabka isboortiga oo ka soo qeyb galeen maamulka degmada Widh-widh, madaxda isboortiga, waxgaradka iyo shacabka magaalada, ayey ka hadleen madaxda ciyaaraha iyo degmada Widh-widh oo dhammaantood ka mahad celiyey wareejinta qalabkan ciyaareed, isla markaana ballan qaaday inay dardar-gelin doonaan kaalinta dhalinyarrada magaaladu ka qaataan xoojinta nabadgelyada.
“Waan u mahad celinayaa Gud-xigeenka Buuhoodle oo keenay aqabkan isboortiga, waxaanan ku dedaalaynaa inaan baahidiina isboortiga u gudbino wasaarada qaabilsan. waxaan idinka codsanaynaa inaad nabadgelyadana nagala shaqeysaan,” Ayuu sheegay maayarka Widh-widh.
Guddoomiye-xigeenka Gobolka Buuhoodle Mr. Jaamac Dheeg Cartan oo muddooyinkii u dambeeyey kormeer ku marayey deegaamada hoos yimaada Buuhoodle, oo ka hadlay munaasibada uu ku wareejinayey qabalkan isboortiga ayaa ugu baaqay dhalinyarrada ciyaaraha degmada Widh-widh inay sare u qaadaan kaalintooda, waxaanu yidhi “Xukuumadda ahaan iyo maamul ahaan waxaan idiinku bushaaraynayaa in xafiiskii guddoomiye-xigeenka Buuhoodle maanta laga bilaabo furan yahay, waxa sidoo kale hore u furnaa xafiisyadii maayarka iyo ku-xigeenkiisa degmada Widh-widh oo hore baahiyaadkiina u soo gudbin jiray, qaabilsanaa u adeegida bulshada.”
Mr. Dheeg ayaa ugu baaqay dhalinyarrada bahda isboortiga degmada Widh-widh inay maamul ahaan aqbaleen dalabkoodii inay qabsadaan koobkii nabada, is-dhexgalka, una furi doonaan tartankiisa, waxaanu yidhi “Waxaan maamul ahaan diyaar u nahay inaan idinkala qeyb galo qaban-qaabada iyo furitaanka koobkii nabadda iyo is-dhex-galka aad dalbateen inay ciyaartaan.”
 
Xafladan  gudoomiye-xigeenka gobolka Buuhoodle Mr. Jaamac Dheeg uu ku wareejiyey qalab isboorti dhalinyarrada ciyaaraha degmada Widh-widh ayaa ku soo beegmaya, ka dib markii Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhowaan u magacaabay xilkaa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply