Wasaaradda Duulista oo Xaflad Sagootis Ah u Sameeyey Wasiir Caddaani Iyo soo dhawayntii Wasiirka cusub

0
602

Hargeysa (Dawan)- Hawl wadeennada kala duwan iyo shaqaalaha Wasaaradda Duulista iyo Madaarka Hargeysa, ayaa xaflad sagootis ah u sameeyey Wasiirkii hore ee wasaaradaas, ahna Wasiirka Warfaafinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani).
Shirka bilaha ah ee ay yeeshaan shaqaalaha madaarka Hargeysa iyo masuuliyiinta Wasaarada Duulista oo ka qabsoomay hoolka dhoofayaasha ee garoonka caalamiga ah ee Cigaal shalay, waxa lagu soo dhawaynayo Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax iyo Wasiirul-dawlaha wasaaradaas Md.  Axmed Nuur Faahiye.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar-yare) oo halkaas ka hadlay, ayaa mahadnaq u jeediyey wasiirkii hore ee uu xilka kala wareegay oo uu xusay inuu wax badan ka qabtay wasaaradda muddada uu xilka hayey.
“Waxaan u mahadnaqayaa Ilaahay (SWT) oo ina siiyey nabadan ay ku noolmahay dhawr iyo labaatanka sanno. Cidna ka yeeli mayno, cidna u daba fadhiisan mayno inay wax yeesho nabadgelyada aynu haysanno maanta. Waxa aynu noqonay qoys qudha maanta oo inta isu ehelka ah ee isku qoyska ah waa inteena halkan ka wada shaqaysa, annaguna odayaashii qoyskaas ayaannu nahay, in aanu ka war hayno ubadkayga waa waajib, wixii Wasiirka hore ka tegay ee uu dhisay waxba ka beddelimayno,” ayuu yidhi Md. Cumar-yare.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, horena u ahaa Wasiirka Duulista Hawada Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa isna hadalo macasalaamayn iyo sagootis ah ka jeediyey shirka, waxaannu ammaan xoogan u jeediyey shaqaalaha iyo hawlwadeennada kala duwan ee Wasaaradda Duulista iyo Madaarka Hargeysa.
 
“Waxa aan isku taagay in aan sii nabadgelyeeyo shaqaalahan quruxda badan ee halkan fadhiya, waxaanna jira shaqsiyaad aanan iloobi doonin oo ay ka mid yihiin Taliye Saalax, Agaasimaha Guud iyo  dhammaanba dadkii ila shaqaynayey muddada aan xilka hayey.
Wasiir, hadafkaaga koowaad waxa uu ahaa nabadgalyada, Wasiir Cumar-na waa la ii sheegoo wuxuu ahaa Gaashaanle Sare, markaa u sharaxi maayo nabadgelyada oo si fiican ayuu u garanayaa,” ayuu yidhi Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani).
Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee  Cigaal  Mr. Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in shaqaalaha iyo masuuliyiinta madaarka iyo Wasaaradda Duulistu ay markasta wasiirka laga beddelo ama loo soo magacaabo ay u sameeyaan soo dhawayn ama sagootis lagu muujiyo tixgelinta loo hayo.
“Waxa aannu si kal iyo laab ah u sii sabootiyeynaa Wasiirkii aynu wada jeclayn Md. Cismaan Cabdillaahi Saxaradiid (Caddaani), Waxa kaloo aynu soo dhaweynanaa Wasiirkeena cusub M. Cumar Sheekh Maxamed Faarax iyo Wasiirul-dawlaha la inoo soo beddelay,” ayuu yidhi Maamulaha madaarka Hargeysa.
Waxa kaloo shirkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, waxaannu yidhi; “Runtii Wasiirkii hore Md. Caddaani  iyo Wasiir-ku-xigeenkii hore aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa muddadii aanu wada shaqaynay,  koox wanaagsan ayaannu ahayn oo isku duuban.  Dadku haddii aanay ka u hooseeya ilaa iyo ka u sareeya la isku duubnaan laga midhodhalin maayo himilada Qarankan iyo xilka ay wasaaraddan u hayso qaranka Somaliland.
Aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa sidii fiicnayad ee ay tiimkayagan u hoggaamiyeen muddadii koobnayad ee ay nala joogeen, Wasiirka iyo Wasiirul-dawlaha cusubna waan soo dhaweynayaa.”
Wasiirul-dawalaha cusub ee Wasaaradda Duulista Somaliland Md. Axmed Nuur Faahiye oo hadal ka jeediyey shirkaas, ayaa sheegay inuu ugu kalsoonyahay kartida shaqo ee wasiirka Duulista Hawada iyo Wasiirka Warfaafinta.
“Inkasta oo xilka qaranku meerto yahay oo hadba qof lagu tijaabiyo, haddana waxaan aad u aaminsanahay in Wasiir Caddaani  si wanaagsan u gudan doono xilkaa loo magacaabay oo shaqsiyadiisa ayaan aqaan, Wasiirka cusub ee Duulista-na waa nin aanbu saaxiib nahay oo si wanaagsan ayaanu u wadashaqayn doonaa, iyadoo labada wasiirba yihiin rag aannu saaxiib nahay,” ayuu yidhi Md. Axmed Nuur Faahiye.
Gabagabadii xafladaas, waxa shahaado-sharafyo lagu guddoonsiiyey wasiir  Cismaan Cabdillaahi Saxaradiid (Caddaani), taasoo ay guddoonsiiyey Maamulaha Madaarka Hargeysa, Agaasimaha Hay’adda NASHA iyo Guddoomiyaha Naadiga Kubbadda Cagta ee Wasaaradda Duulista Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply