Dalkaasi Ruushka ayaa wadanka Japan ka caawinaaya tareeno nooca dheereeya ah oo ay dhowaan soo saareen,kaas oo ah noocyada dheereeya weliba kuwii ugu dambeeyey ,waxaanu tareenkaasi noqon doonaa mid ku shaqeeya koombiyuutar ahaan.
madaxa shirkada soo saartay tareenadaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu jiro wadahadalo u socday beryahaasi shirkadda iyo kuwo laga lee yahay wadanka Japan oo ay ku jireen kooxo dawlada dalkaasi kamid ah.
tareenadan ayaa ah kuwo weli aan soo wada gelin suuqyada,laakin la rajaynaayo inay soo galaan dhowaan,waxaanay noqdeen tareenadii ugu horeeyey ee aanay dad wadin,iyaga oo sidoo kalena noqon doona tareenada ugu dheereeya caalamka.
Mr Belozorovo oo kamid ah madaxda sar sare ee shirkadaasi ayaa sheegay in ay u balan qaadeen shirkadahaasi reer Japan iyo dawladaba inay ka caawin doonaan dhinaca qalabkaasi casriga ah ee tareenada iyo sidii uu dalkaasi u gaadhi lahaa.
madaxa shirkadaasi ayaa sheegay in ay qorshaynayaan inay sameeyaan jidkii tareenka ee caalamka ugu dheeraa,kaas oo isku xidhi doona magaalooyinka Moscow iyo Kazan,waxaanu dherer ahaan noqonayaa jidkaasi ilaa 4000 oo Kilometer,waxaana la hirgelin doonaa dhismihiisa sannadka 2020.
sidoo kalena jid kale oo ka tegi doona magaalada Kazan ,kuna xidhi doona wadadan wadooyin kale ayaa noqon doona 770 km,kaas oo ay ku baxayso lacag aad u tiro badan oo lagu sheegay inay gaadhayso $13.3 billion,waxaana dhismaha ka qayb qaadanaaya jidkan shirkaddo isugu jira Ruush iyo Shiine.
sidoo kalena wadanka Chine ayaa la gaadhsiin doonaa wadadan,iyada oo ay lacagta ku baxaysana qayb badan bixin doonaan,waxaanay shirkadan madaxdeedu sheegeen in jidkani suurtogelin doono in loo kala socdo magaalooyinkaasi waqti yar,iyada oo wadamadaasna ay ka yaraan doonto waqtiga loo kala socdaa waqtigii hore loogu kala socon jiray.





















