“Anigu da’dayda Kama badin Karo 48 sano”

0
346

Markii dhakhtarku go’aamiyay in la suuxiyo si camilaydii loogu sameeyo ayuu dhakhtarkii suuxniinka qaabilsanaa weydiiyay gabadhii su’aalahan:
Dhakhtarka : Da’daada ii sheeg?  Gabadhii ayaa ku jawaabtay waa 25 sano. Dhakhtarka ayaa ku celiyay quraaradan dawada ah ee aan kugu mudayo waxa mid kasta ku qoran cimriga qofka, markaa run inaad sheegto weeyi. Gabadhii: Hadday sidaasi tahay da’adaydu waa 30 sano. Dhakhtarki ayaa haddana weydiiyay: Haddii aanay da’daasu intaasi ahayn waxaa laga yabaa inaanad ka soo noqon suuxniinka. Gabadha: Haddab runtii 38 jir ayaan ahay. Dhakhtarki ayaa haddana ku yidhi : Haddii tan da’daasi aad sheegtay aan isticmaalo oo aana dahayn waxa kugu dhacay faalig sidaasi ogow. Gabadhii islaanta ahayd tidhi : Maya haddana da’daydu run ahaantii waa 48 sano ,haddii aan dawada ku  dhiminaya mar danbe kordhin mayo.
 
 

Leave a Reply