Siiriyaan loo Xidhey Muhaajiriin Qaraqmey

0
328

Maxkamad ku taal Turkiga ayaa xukun afar sano ah ku riddey laba Siiriyaan ah iyaga oo loo heysto dhimashadii  ilmihii meydkiisa laga helay xeebta  ee Alan Kurdi iyo afar kale oo ku qaraqmey badda Turkiga.
Alan ayaa ahaa wiil yar oo saddex jir ahaa oo sawirkiisa la arkay isaga oo meyd ah oo ku soo caaridey xeebta Turkiga, kaasi oo indhaha caalamka ku soo jeediyay dhibaatada qaxootiga bishii  September.
Labada nin ee la xidhay ayaa kala ah Mufawaka Alabash iyo  Asem Alfrhad , waxaana lagu helay in ay tahriibinayeen dad balse waxa lagu waayay in ay geysteen dil.
Kumanaan qaxooti iyo muhaajiriin ah ayaa maalin kasta soo gaadha Giriiga iyaga oo ka yimi Turkiga.
 
 
 
 

Leave a Reply