Ciidamada Tunisiya oo Dilay Mintidiin

0
291

Wasaaradda arrimaha gudaha Tunisiya ayaa isniinta  sheegtay in ciidamadu ay dileen 21 mintidiin ah oo weeraray saldhig boolis iyo xarun milatari oo ku yaalla meel u dhow xududda Libya.
Saraakiishu waxa ay sheegeen in ugu yaraan afar qof oo rayid ah iyo hal askari sidoo kale lagu dilay iska horimaadka oo ka dhacay magaalada Koonfurta bari ee Ben Guerdane.
Mas’uuliyiintu waxa ay ku booriyeen dadka deegaanka inay guryahooda ku jiraan markii isku dhacyadu ay billowdeen.
Milatari ka socda dalalka reer galbeedka qaarkood ayaa talooyin ku caawinaya ciidamada Tunisia, ayada oo ay jiraan walaacyo sii kordhaya oo ku saabsan in mintidiinta dalka Libya, oo ay ku jiraan xubnaha Daacish, ay kasoo gudbayaan xuduudda si ay weeraro u fuliyaan.
Toddoobaadkii tagay, Britain ayaa ku dhowaaqday inay direyso koox tababar oo ka kooban 20 askari, si ay caawimaad uga geystaan in Tunisia ay sugto ammaanka xuduudeeda.
 
 

Leave a Reply